Hordhac: Juventus vs Tottenham Hotspur: Tottenham Oo Natiijooyin Xun Ku Leh Cariga Italy

Kooxda Juventus ayaa la ciyaari doonta kooxda Tottenham kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions league iyada oo ah kooxda ugu cad-cad ee loo badaniyo in ay u gudubto wareega xiddiga.

Tan iyo markii ay guuldarada 3/0 ah kala kulantay kooxda Barcelona, kooxda Marwada duqda ah ayaan guuldaro la kulmin 5-tii kulan ee kale iyada oo ku soo baxday kaalinta 2-aad ee kala saraynta.

Dhanka kale kooxda Tottenham ayaa wareega 16-ka u soo gudubtay iyada oo kaalinta 1-aad kaga soo baxday Group aad u adag oo ay ku jireen Real Madrid Iyo Borussia Dortmund.

Kulanka: Juventus vs Tottenham Hotspur

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: Juventus Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa ah Kulankii ugu horeeya ee abid ee dhexmara kooxaha Juventus iyo Tottenham ee ka tirsan tartamada yurub oo dhan.

Kooxda Juventus ayaan wax guuldaro ah kala kulmin 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda ku marti galisay koox premier league ah.

Todoba kulan oo ay la ciyaartay ayay 4 kulan badisay 3 kalena bar-baro la gashay kooxdii ugu dambaysay ee England ka socota ee ay garoonkeeda ku garaacday ayaa ah Man United sanadkii 2002/2003 kulan champions league ahaa.

Kooxda Tottenham ayaa rikoor xun ku leh kulamada ay ku ciyaarto cariga Talyaaniga iyaga oo kaliya hal kulan badiyay 8 kulan oo ay booqdeen 3 bar-baro ayay ku gashay 4 kalena waa laga badiyay.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply