Hordhac: Basel Vs Man City: Citizen Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hor Tagaysa Kooxda Basel

Kooxda Man City ayaa bilaaban doonta safarkeeda champions league iyaga oo u safri doona Garoonka St. Jakob-Park halkaas oo ay kula ciyaari doonaan kooxda Basel lugta 1-aad ee kulanka.

Man city ayaa isha ku haysa in ay sii wadato tartanka marka loo eego qaab ciyaareedkeeda waxana ay ka mid tahay kooxaha ugu cad-cad ku guulaysigiisa.

City ayaa doonaysa in ay garoonka kala soo baxdo natiijo ka caawisa in ay u gudubto wareega 8 dhamaadka tartanka iyaga oo doonaya in ay Etihad yimaadaan iyaga oo hal lug kula jira wareega xidga.

Kulanka: Basel Vs Man City

Tartanka: Champions league

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: St. Jakob-Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

kulankan ayaa ah kulankii ugu horeeya ee kooxda Manchester City oo ay la ciyaarayaan Basel iyo koox Switzerland ah tartamada UEFA.

Dhanka kale, Basel ayaa la kulmi doonta koox Ingriis ah oo Premier League ah waxana ay badiyeen 7 kulan, waxa ay bar-baro galeen 8 kulan waxana laga badiyay 13 kulan.

Garoonkooda waxa ay kooxaha premier league kaga badiyeen 6 kulan iyaga oo bar-baro la galay 2 kulan guuladarana kala kulmay 5 kale 13 kulan oo ay kula ciyaareen.

 

Si kasta ha ahaatee Basel ayaa guulo ka gaaray kooxdaha reer England marka ay garoonkeeda kula ciyaarayaan kulamadii ugu dambeeyay iyada oo Man United 1/0 uga badisay wareegii Group-yada.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply