Hordhac: Barcelona Vs Getafe: Barcelona Oo Boorka Ka Jafan Karta Rikoor Ay Dhigeen 8 Sano Ka Hor

Kooxda Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku soo dhawayn doonta kooxda Getafe kulan ka tirsan horyaalka La Liga toodbaadkiisii 23-aad.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyada oo indhaha ku haysa 3-ad dhibcood ee ciyaarta iyo in ay ku sii dhawaato hanasha horyaalka La Liga.

Dhanka kale kooxda Getafe ayaa doonaysa in ay Barcelona ka gaarto guusheedii ugu horaysay kadib markii ay guuldaro kala kulantay 4-tii kulan ee ugu horeeyay.

Kulanka: Barcelona Vs Getafe

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 6:15Pm

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINAK KULANKA:

Barcelona ayaa guul gaartay 4-tii kulan ee ugu dambaysay ee ay Getafe la ciyaartay Horyaalka LA Liga iyada oo ka dhalisay 16 gool halka laga dhaliyay hal gool oo kaliya.

Kooxda Getafe ayaan guul ku gaarin garoonka Camp Nou 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga iyada oo laga badiyay 9 kulan 3 kalena bar-baro gashay, markii ugu dambaysay ee ay Camp Nou dhibic kala baxdo ayaa ahayd 2014.

Barcelona ayaan wax guuldaro ah la kulmin 29-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga iyaga oo gaaray 25 guulood iyo 4 bar-baro waxana ay laba kulan u jiraan in ay bar-bareeyaan rikoor ay dhigeen wakhtigii Guardiola gaar ahaan sanadkii 2011 oo ay 31 kulan bilaa guuldaro ahaayeen.

Getafe ayaan wax guul ah ka gaarin kulan ay kooxaha reer Catalonia kula ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda gaar ahaan 6-dii kulan ee ugu dambaysay iyaga oo sidoo kale ku fashilmay in ay wax gool ah ka dhaliyaan

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply