Hazard, Bale, Batshuayi, Pulisic, Robben, Pogba, Weigl, De Gea & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala iibsiga

Wacan oo wanaagsan Akhirsatayaasheena sharafta leh ee aanu aadka u jecelnahay ku soo dhawaada barnaamij maalinle ah oo aynu ku eegi doono wararka wargaysyada kala duwan ee ay adduunku ka qoraan suuqa kala iibsiga.

Waxa dhab ah in uu suuqii kala iibsigu xiray laakiin arintaas ayaan kooxaha reer yurub ka hor istaagi doonin in ay sii calaamasadaan ama sii indha indheeyaan xiddigihii ay u dhaqaaqi lahaayeen marka uu suuqu dib u furmo xagaaga dambe.

Koox kasta ayaa sidoo kale la xiriiri karta wakiilada xiddigaha ay doonayaan iyaga oo ka waraysan kara xiddigaha ay wakiilka u yihiin.

Si kasta ha ahaatee kooxna looma ogola in ay si toos ah ula xiriirto xiddigaha iyada oo aan ogolaansho ka haysan kooxda xiddiga.

Hadaba wararka aanu halkan ku soo gudbin doono wax masuul ah kama aha Kooxda.com kaliya waxa masuuliyadooda leh wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay 28 jirka reer Wales ee Gareth Bale iyo walba 100 milyan miiska u saarto kooxda chelsea si ay uga hesho xiddiga Eden Hazard oo 27 jir ah (Express).

Rabitaanka kooxda Borussia Dortmund ee ay ku doonayso in ay si toos ah ula wareegto weeraryahanka sida quruxda badan ku bilowday nolosha Geramny ee Michy Batshuyi ayaa kooxda chelsea ka caawin kara fursada ay ku heli karto xiddiga reer America ee Christian Pulisic oo 19 jir ah (Mail).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Arjen Robben oo 34 jir ah ayaa qirtay in uuna qorshaynayn in uu ciyaaraha ka fariisto isaga oo isku diyaarinaya in uu u dhaqaaqo horyaalada shiinaha,Qatar ama Maraykanka (Sportbuzzer).

Manchester City ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Borussia Dortmund Julian Weigl, oo 22 jir ah, laakiin kooxda Bundesliga ayaa dooneysa 40 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga (Mirror).

Tababaraha Kooxda Man United ee jose Mourinho ayaa kulan wakhti dheer qaatay la galay xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba si uu xaalada u dajiyo waxana uu xiddiga reer France kulankii Huddersfield ku seegay xanuun (Mail).

Goolhayaha Manchester United David de Gea, oo 27 sanno jir ah, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxda xilli ay jiraan warar sheegaya in uu u dhaqaaqayo Real madrid (Star).

Kooxda Liverpool ayaa heshiis cusub ka saxiixanaysa xiddiga garabka uga ciyaara ee Sadio Mane oo 25 jir ah inkasa oo uu xiddiga reer Senegal heshiis 3 sano ah kula jiro kooxda (Mirror).

Weeraryahanka kooxda RB Leipzing ayaa qirtay in uu jecel yahay in uu u ciyaaro kooxaha Man United ama Man City midkood (Sun).

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay dhigeeda chelsea wadadahadalo ay ka doonayso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda reer England ee Marcos Alonson (Star)

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada