Hal Sabab Oo Uuna Cristiano Ronaldo Ugu Soo Laaban Doonin Man United Oo La Ogaaday

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa si weyn loola xiriirinayay ku soo laabashada kooxda Man United sanadihii ugu dambeeyay xilli la sheegayo in laga yaabo in uu kabtanka reer Portugal isaga tagi doono kooxda Los Blancos dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Cristiano Ronaldo ayaan ku laaban doonin Manchester United madaama uusan dooneynin inuu la shaqeeyo Jose Mourinho, sida ay sheegayaan wararka.

Warar is khilaafsan oo ka imaanaya kooxda ka dhisan Bernabeu ayaa soo jeediyay in ciyaaryahanka shanta jeer ku guuleysta Ballon d’Orku uusan ku faraxsaneyn kooxda, islamarkaana uu doonayo inuu baxo.

Ku soo laabashada Old Trafford ayaa u muuqatay mid suurtagal ah inkasta oo uu xiiso ka helayo kooxda ka ciyaarta horyaalka shiinaha ee Tianjin Quanjian.

Si kastaba ha ahaatee, Le 10 Sport ayaa sheegay inuusan dooneynin inuu mar kale la shaqeeyo Mourinho, ka dib markii labadoodaba isku dhaceen xilli ciyaareedkii ugu danbeeyay ee ay wada joogeen Real Madrid.

Jose Mourinho iyo Ronaldo ayaa wada isticmaala hal wakiilk kaas oo ah Jorge Mendes kaas oo qayb libaax leh ka qaadan kara suurtagalnimada uu Ronaldo ugu soo laaban karo United.

Laakiin CR7 ayaa doorbidaya in uu meel kale u dhaqaaqo halkii uu mar kale la shaqayn lahaa tababaraha man United ee Jose Mourinho.

Mourinho ayaa Ronaldo maamulay intii u dhexaysay 2010 ilaa 2013 iyaga oo ku wada guulaystay koobab si fiicana iskula shaqeeyay.

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply