Dib U Eegid: Goorma Ayaa Arsenal Ugu Dambeysay In Sedex Gool Looga Dhaliyo Garoonka Wembley ?,

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro fool xun la kulantay Finalka Carabao cup-ka kulan ka dhacay Garoonka Wembely Iyaga oo la kulmay guuldaro 3/0 ah oo ay kala kulantay kooxda Man City.

Goolal ay dhaliyeen Sergio Aguero,Vincent Kompany iyo David Silva ayaa Citizen ka caawiyay in ay kor u qaado koobka Carabao cup-ka xilli ciyaareedkan.

Marka laga yimaado koobka laga qaaday waliba natiijada weyn looga qaaday Gunners ayaa rikoor aad u liita kala baxday garoonka Wembley.

Arsenal ayaa laga dhaliyay 3 gool iyo wax badan iyada oo ku ciyaaraysay Wembley markii ugu horeeyay tan ilaa October 1999 markaas oo ay Barcelona 4/2 kaga badisay kulan champions League ka tirsanaa.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay Arsenal ay haatan la kulantay guuldaradii 2-aad oo xiriir ah tartamada oo dhan kadib markii guuldaro 2/1 ah la kulantay Europe League.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada