Eden Hazard & Victor Moses Oo Chelsea Ku Soo Celiyay Wadada Guulaha & Blues Oo Kaalinta 3-aad Soo Gashay

Kooxda chelsea ayaa ku soo laabatay wadada saxda ah guul muhiim ahna ka gaartay kooxda West Brom kulan ka dhacay Stamford Bridge kana tirsanaa horyaalka premier league todobaadkiisii 27-aad.

Chelsea ayaa kulanka soo gashay iyada oo qalbiga ku haysa guul ay gaarto kadib laba guuldaro oo soo gaaray labadii kulan ee ugu dambaysay.

Blues ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay goolal wakhti hore ah si ay niyadu ugu dhisanto kalsoonina u helaan.

Waxa ay heshay wixii ay doonaysay daqiiqadii 25-aad iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddiga Eden Hazard kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0,

Chelsea ayaa sii laba jibaartay weeraradii ay ku qaadaysay kooxd West Brom iyaga oo sameeyay fursado ay ka dhalin karaan goolal kale laakiin Goolhayaha West Brom ayaa hor istaagay fursadahaas.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda chelsea ku hogaaminayso 1/0 waliba dhalin kartay goolal intaas ka badan.

Qaybtii dambe ayay Blues si weerar ah ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo raadinayay in ay ciyaarta natiijadeeda wax ka badalaan goolashana sii dheeraystaan.

West Brom ayaa dhankeeda heshay fursado goos-goos ah laakiin waxa u suuro gali wayday in ay wax natiijo ah ka keenaan fursadahaas.

Chelsea ayaa mar kale daqiqadii 63-aad dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu si qurux badan gool ugu dhaliyay xiddiga Victor Moses kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Blues ayaa halkeedii kasii waday waxana ay daqiiqadii 71-aad dhaliyeen goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay Eden Hazard oo dhaliyay goolkiisii 2-aad iyo goolkii 3-aad ee kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay guul qaali ah oo kalsooni dhis  ah oo ay Blues ka gaartay kooxda West Brom kuna soo laabatay wadada saxda ah

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply