Dib U Eegid: Klopp Oo Kulankiisii 95-aad Ee Premier League Hogaamiyay Liverpool, Imisa Ayuu Badiyay, Imisa Ayuu Bar-baro Galay Imisa Ayaana Laga badiyay

Kooxda Liverpool ayaa guul aanay ku dhibaatoon ka gaartay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa horyaalka premier league todobaadkiisii 27-aad.

Laba gool oo ay Salah iyo Firmino dhaliyeen ayaa Reds ka caawiyay in ay gaarto guul ay u baahanayd kadib bar-barihii todobaadkii hore.

Jurgen Klopp ayaa dhankiisa Liverpool hogaamiyay kulankiisii 95-aad ee horyaalka premier league tan iyo markii loo magacaabay tababaraha Liverpol.

Tabbaraha Liverpool ee Klopp ayaa gaaray 50 guulood halka uu bar-baro galay 28 kulan lagana badiyay 17 kulan oo horyaalka premier Leageu.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay Reds haatan 2 dhibcood u jirto kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka premier league iyaga oo leh 54 halka Man United leedahay 56 dhibcood.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply