Dib U Eegid: Arsenal Oo Khabiir Ku Ah Fashilka Finalka Carabao Cup-ka, Imisa Final Ayaa Laga Qaaday

Kooxda Arsenal ayaa laga qaaday koobka Carabao cup-ka iyada oo guuldaro weyn oo 3/0 ah kala kulantay kooxda Man city kulan ka dhacay garoonka Wembley.

Man City ayaa si cajiib ah ku bilaabatay ciyaarta waxana ay dhaliyeen saddex gool oo ay kala dhaliyeen xiddigaha Sergio Aguero,Vincent Kompany iyo David Silva.

Arsenal ayaa haatanba wayday koobkii ay sida weyn ugu rajada weynayd ee ahaa Carabao cup-ka iyaga oo aan wax iska caabin ah ku samayn City.

Gunners ayaa rikoor xun ku leh Finalka Carabao cup-ka kadib guuldaro weyn oo ay kala kulantay kooxda Man city oo ku guulaystay koobka.

Kooxda Arsenal ayaa ah kooxda ugu guuldarada badan Taariikhd finalka Carabao cup-ka iyaga oo laga qaaday 5 Final oo ay gaareen tartanka.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada