Dib U Eegid: Alexis Sanchez Oo Laba Rikoor Oo Uu Mid Xun Yahay Kala Baxay Kulankii Huddersfield

Weeraryahanka cusub ee Kooxda Man United Alexis Sanchez ayaa dhigay rikoor xun kulankii ay kooxdiisa Man United guusha 2/0 ah ka gaartay Huddersfield Town kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka premier league todobaadkiisii 26-aad.

Alexis Sanchez ayaa dhigay rikoor aan fiicnayn kulankii Huddersfield Town isaga oo noqday xiddiga ugu badan ee kubada waayay kulan kaliya oo premier league ah xilli ciyaareedkan.

United ayaa 2/0 uga badisay kooxda Huddersfield xilli Alexis Sanchez dhaliyay goolka 2-aad kadib markii uu gool u badalay rikoore markii hore laga qabtay.

Xiddiga reer chile ayaa ahaa xiddiga khatarta ku ahaa kooxda Huddersfield isaga oo mar kasta khatar galiyay goolkooda intii ay ciyaartu socotay.

Si kasta ha ahaatee rikoorka ah in uu ahaa xiddiga ugu badan ee kubad lumiyay ayuu raacsaday rikoor kale oo ah in uu ahaa xiddigii ugu badnaa ee khaladka lagu galay kulanka.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply