Dib U Eegid: Alexis Sanchez Oo Kulankiisii Ugu Ee Old Trafford Qabtay Shaqo Uu Qaban Kari Waayay Intii Uu Arsenal Joogay

Kooxda Man United ayaa guul ka gaartay kooxda Huddersfield Town kulan ka dhacay garoonka Old Trafford kana tirsanaa horyaalka Premier league.

Goolal ay dhaliyeen Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez ayaa Red Divls ka caawiyay in ay gaarto guul kadib guuldaradii Tottenham ee todobaadkii hore.

Alexis Sanchez ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda Man United tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Arsenal suuqii Jnaury.

Sanchez ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Old Traaford markii 5-aad ee uu isku dayay maadama uu shabaqa soo taaban waayay 4 kulan oo hore ee uu soo booqday Old Trafford wakhtigii uu joogay Arsenal.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply