Daafaca Kooxda Liverpool Ee Virgil van Dijk Oo Ku Digtay Man United Kadib Guuldaradii Kasoo Gaartay Newcastle

Daafaca Kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa ku digtay kooxda Man United kadib guuldaradii ka soo gaartay kooxda Newcastle Axadii kana tirsanayd todobaadkii 27-aad ee horyaalka Premier League kulan ka dhacay garoonka St James’ Park.

Gool uu dhaliyay xiddiga Matt Ritchie ayaa Newcastle ka caawiyay in ay ka gaarto kooxda Jose Mourinho ee Man Unitde saacado ka hor intii ayna Liverpool guul 2/0 ah ka gaarin kooxda Southampton.

Guushii ay Reds ka gaartay garoonka St Mary’s ayaa ka caawisay in ay soo yarayso dhibcihii ay ka damabysa United iyada oo haatan kaliya 2 dhibcood ka dambaysa kooxda Man United.

Van Dijk ayaa lagu waraysanayay SKy Sport kadib guushii 2/0 ahayd ee ay Liverpool ka gaartay kooxdiisii hore ee Southampton.

Waxana uu jawaab digasho leh ka bixiyay kadib markii wax laga waydiiyay in uu ka warqabo in laga badiyay man United ka hor kulankooda.

“miyaa laga badiyay”?ayuu Yiri ka hor inta aan loo sheegin in laga badiyay.

Kadib wuu qoslay waxana uu yiri”miyaa laga badiyay?” “nasiib xumo”.

 

“maya ma ogayn laakiin haa sida iska cad anaga ayay noo fiicantaay”

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply