Daafaca Juventus Ee Giorgio Chiellini Oo Tababare Pep Guardiola Ku Eedeeyay In Uu Qayb Weyn Ka Qaatay Ka Haritaankii Xulka Italy Ee Koobka Adduunka Laakii Sidee

Daafaca Kooxda Juventus iyo xulka qaranka Italy ee Giorgio Chiellini ayaa ka haritaanka xulka Qaranka Italy ku eedeeyay tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola inkasta oo uuna wax lug ah ku lahayn haba yaraatee.

Guardiola ayaa ku dhaw in uu Man City ku hogaamiyo hanshada horyaalka premier league kadib markii uu kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich koobab kula soo guulaystay.

Daafaca Juventus Chiellini oo ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ka dib markii Italy ay ku guuldareysatay inay u soo baxdo Koobka Adduunka xagaaga – ayaa dareensan in qaab ciyaareedka Guardiola ee kubadda cagta ay tahay mid aad u cabsi badan.

Daafaca Juventus – kaasoo 96 kulanu saftay dalkiisa hooyo – ayaa yiri: “Pep Guardiola ayaa jabiyay islamarkaana burburiyay daafaca reer Italy”.

“Waa tababare Cajiib ah oo leh maskax cajiib ah, laakiin tababarayaasha Talyaaniga ayaa isku dayay in ay maraan wadadiisa iyaga oo aan wax aqoon ah u lahayn sidaa darteed 10-kii sano ee ugu damabysay waxa aanu luminay aqoonsigayagii”.

“Waxa aanu Luminay aqoonsigeenii Paolo Maldini, Franco Baresi, Fabio Cannavaro, Alessandro Nesta, Giuseppe Bergomi, Claudio Gentile, Gaetano Scirea.. intii u dhexaysay 1984 Iyo 1995 waxa aanu kaliya haysanaa Leonardo Bonucci”.

“10-kii sano ee ugu dambaysay maanu soo saarin hal daafac oo fiican”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply