Cristiano Ronaldo Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Caawa

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa fariin u diray taageerayaasha kooxda Real Madrid ka hor kulanka caawa ay la ciyaari doonaan kooxda PSG kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions league.

Labada kooxood ayaa lugta 1-aad ku ciyaari doona garoonka Bernabeu waxana uu Ronaldo kulanka ku tilmaamay kulan muhiim ah oo ay la ciyaarayaan koox weyn.

Ronaldo oo Twitter-ka soo dhigay ayaa yiri” waxa aan aniga iyo xiddigaha kooxdu idin waydiisanayno ayaa ah taageeradiina sidii hore inaga oo isku duuban waxa aan noqon doonaa kuwa adag” Hala Madrid!.

Cristinao Ronaldo ayaa maalmo ka hor si aad ah uga xumaaday markii ay taageerayaasha Real Madrid ku oriyeen Karim Benzema kulankii ay Real Madrid guusha 5/2 ah ka gaartay kooxda Real Sociedad.

Benzema ayaa khasaariyay fursad wakhti dambe ah taas oo keentay in ay taageerayaasha Real Madrid si weyn ugu oriyeen xiddig reer France.

Ronaldo ayaa oo saddexley dhaliyay ayaa si weyn uga difaacay xiddiga isaga oo gacanta u haadiyay taageerayaasha una sheegay in ay u sacabiyaan.

Gareth Bale ayaa sidoo kale Fariin u diray taageerayaasha isaga oo yiri”Waxa aanu eegaynaa Arbacada waxana aan ku rajo weynahay in aan mar kale taariikh samayno”.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply