Alvaro Morata Oo Ka Wel-Welsan In Luis Enrqiue Loo Magacaabo Tababaraha Cusub Ee Chelsea & Sababta Oo La Ogaaday

Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Alvaro Morata ayaa lagu soo waramayaa in uu ka wel-welsan yahay suurtagalnimada uu Tababarihii hore ee Barcelona ee Luis Enrqiue tababare u noqon karo kooxda Stamford Bridge hadii uu kooxda ka tago Antonio Conte.

Weeraryahanka reer Spain ayaa Blues kaga soo biiray Real Madrid xagaagii lasoo dhaafay heshiis lagu qiimeeyay 57 milyan oo euro islamarkaana si deg-deg ah qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday noloshiisa Premier league.

Qaab ciyaareedkii uu ku bilowday ayuu dhexda uga galay dhaawac dhabarka ah oo xiddiga u diiday in uu ciyaaro kulamadii ugu dambeeyay.

Weeraryahanka reer Spain ee Alvaro Morata ayaa la filayaa in uu weerarka Blues hogaamiyo wakhtiga soo socda.

Si kasta ha ahaatee wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Spain ayaa sheegaya in uu xiddigan u baqayo mustaqablkiisa kooxda chelsea.

Kooxda chelsea ayaa si aad ah loola xiriirinayaa in ay u dhaqaaqayso tababarihii hore ee kooxda Barcelona si ay ugu badalaan Antonio Conte oo uu cadaadisku ku sii badanayo.

Wargayska Don Balon ayaa sheegaya in Morata ayaa la sheegayaa in uu ka wel-welsan yahay in magacaabista Enrique ay sarayso kulamadiisa.

25 jirkan ayaa chelsea ugu soo biiray rabitaanka tababaraha kooxda chelsea ee Antonio Conte kaas oo isagu si shaqsi ah u dalbaday xiddiga.

Waxana uu rumaysayn yahay in aanu ku soo baxayn qaab ciyaareedka Enriuqe iyo waliba caawiyaha Juan Carlos Unzue kaas oo uu Tabbaraha reer Spain u soo kaxaysan doono.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply