Akhristayaasha Wargayska Marca Oo Doortay Shaxdooda Isku Dhafka Ah Ee Real Madrid & PSG Iyo Lama Filaan Weyn Oo Ka Soo Baxay

Adduunka oo dhan ayaa isku diyaarinaya in ay ka maqraati noqdaan mid ka mid ah kulamada ugu waaweyn kubada cagta marka ay Kooxda Real Madrid Marti gali doonto kooxda Paris Saint-Germain kulan ka tirsan champions league lugtii 1-aad ee wareega 16-ka.

Waxa si weyn looga war qabaa in ay kooxda Paris Saint-Germain haysato xiddig weerarka ka ciyaara oo xitaa ka fiican xiddigaha BBC ee Real Madrid u ciyaara kuwaas oo kala ah Kylian Mbappe, Edinson Cavani & Neymar.

Hadaba Akhristayaasha Wargayska Marca ayaa u codeeyay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood eee Real Madrid iyo PSG ka hor kulankiida Habeen Dambe.

Akhristayaasha ayaa ugu horayn meel iska dhigay xiddigaha BBC iyaga oo weerarkooda u doortay xiddiga MCN kuwaas oo u taagan Mbappe,Cavani iyo Neymar.

Dhanka kale waxa ay akhristayaashu daafaca midig u doorteen xiddiga reer Brazil ee Alves iyaga oo iska reebay xiddiga Dani Carvajal.

Shaxda Inta kale ayay u codeeyeen kooxda Real Madrid iyaga oo khadka dhexe u codeeyay xiddigaha Modric,Casemiro iyo Kroos halka daafacyada ay u codeeyeen xiddigaha Marcelo,Rasmo iyo Varane halka ay Goolhayaha u codeeyeen Kylor Navas.

Halkan Kaga Bogo Shaxda Ay Akhristayaasha Marca U Codeeyeen Ee Isku Dhafka Ah:

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply