Ac Milan Oo Isku Dayi Doonta Helitaanka Xiddig Ay Chelsea Ku Fashilantay Suuqii January

Kooxda Ac Milan ayaa qorshaynaysa sidii ay kooxdeeda u xoojin lahayd suuqa xagaaga kadib xilli ciyaareed liita oo ay soo bandhigtay xilli ciyaareedkan inkasta oo ay xagaagii hore si weyn suuqa kala iibsiga u gashay.

Ac Milan ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka kooxda Roma ee Edin Dzeko marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Wargayska TuttoMercato ayaa sheegaya in ay Ac Milan doonayso weeraryahan cusub kadib markii weeraryahanada haatan kooxda jooga ay waxba ku soo kordhin waayeen.

Milan ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso weeraryahanka Nikola Kalinić kaas oo xagaagii kaga soo biiray kooxda Fiorentina laakiin ku fashilmay in uu la qabsado kooxda.

Ac Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay wax walba u samayn doonto sidii ay Roma ugala soo wareegi lahayd Weeraryahanka Dzeko kadib markii uu isku muujiyay in uu yahay gooldhaliye cajiib ah.

Kooxda.com ayaa xusaysa in uu Dzeko si aad ah ugu dhawaaday in uu ku biiro kooxda chelsea intii lagu guda jiray suuqii January laakiin uu isagu diiday in uu ka tago Roma.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply