WARBIXIN: Kooxihii Lacagta Ugu Badan Galiyay Suuqii January & Kooxihii Ka Fa,iiday

Waxa Si Rasmi ah Arbacadii Albaabka loogu xiray suuqa kala iibsiga January kaas oo ay kooxaha reer yurub sameeyeen saxiixyo waaweyn.

Saxiixyada waaweyn ee dhacay ayay ka mid yihiin ku biirista Philippe Coutinho ee Barcelona,Ku biirista Virgil Van Dijk ee Liverpool, ku biirista Alexis Sanchez ee Man United iyo ugu dambayntii Pierre-Emerick Aubameyang oo ku biiray kooxda Arsenal.

Sida aan caadada ahayn kooxo waaweyn oo reer yurub ah ayaa lacago badan suuqa galiyay oo ay ugu horayso Barcelona oo 157 milyan kula soo wareegtay Philippe Coutinho iyo Yerry Mina.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa kooxihii lacagta ugu badan suuqa galiyay iyo kooxihii faa,iidada ugu badan ka helay suuqa:

10-ka Kooxood ee lacagta ugu badan galiyay suuqa:

1.Barcelona: 157 milyan

2.Liverpool 75

3.Man City: 71

4.Atletico Madrid: 66

5.Arsenal: 66

6.Chelsea: 53

7.Everton: 44

8.Atletico Bilbao: 32

9.Tottenham: 29

10: Borussia Dortmund: 26.

Halkan Hoose kaga bogo 5-ta kooxood ee faa,iidada ka heshay suuqa:

1.Southampton: 57 Milyan

2.Borussia Dortmund: 48

3.Liverpool: 41

4.Villarreal: 38.5

5.Atletico Bilbao: 33

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply