Weeraryahanka Amaahda Uga Maqan Chelsea Ee Michy Batshuayi OO Si La Yaab Leh Uga Fal Celiyay Guuldaradii Soo Gaartay Chelsea

Xiddiga amaahda uga maqan kooxda chelsea ee Michy Batshuayi una ciyaara kooxda Borussia Dortmund ayaa si cajiib ah uga fal celiyay guuldaradii cuslayd ee dusha loo saaray kooxda chelsea ee ku dhamaatay 4/1 kulan ka tirsanayd horyaalka premier league.

Habeenimada Blues ayaa si xun ku bilaabatay kadib markii daqiiqadii 30-aad kaarka cas loo taagay xiddiga khadka dhexe ee Tiemoue Bakayoko kadib markii kaarkii 2-aad ee digniinta loo taagay.

Troy Deeney ayaa goolka 1-aad u dhaliyay kooxda Watford ka hor inta uuna Eded Hazard gool qurux badan ku bar-barayn qaybtii dambe ee ciyaarta.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Daryl Janmaat, Gerard Deulofeu Iyo Roberto Pereyra 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ayaa hurdo u dirtay ciyaarta.

Batshuayi ayaa kooxda Borussia Dortmund ku biiray maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga January isaga oo ka mid ahaa is weydaarsigii xiddigaha xiddigaha la kala iibsada.

Weeraryahanka reer Belguim ayaa kooxda Dortmund ka badalay Pierre-Emerick Aubameyang oo Arsenal halka Olivier Giroud oo isna booskiisii galay kulankiisii ugu horeeyay u saftay kulankii Watford.

Batshuayi ayaa si cajiib ah ku bilowday kulankiisii ugu horeeyay ee Bundesliga isaga oo laba gool u dhaliyay kooxdiisa cusub.

Kadib guuldaradii soo gaartay chelsea 24 jirka ayaa bogiisa Twitter-ka soo dhigay calaamad muujinaysa oohin taas oo la macno ah in uu ka xun yahay waxa ku dhacay kooxdiisiii hore.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply