Zlatan Ibrahimovic Oo Wadahadalo La Furay Koox Reer Yurub Ah, Horyaalkee Ayuu Ku Sii Jeedaa

Weeraryahanka kooxda Man United ee Zlatan Ibrahimovic ayaa lagu soo waramayaa in uu wadahadalo la furay koox ka ciyaarta yurub sida ay sheegayaan wararka haatan soo baxaya.

Wakiilka xiddigan ee Mino Raiola ayaa lagu soo waramayaa in uu wadahadalo la qaatay kooxda Besiktas iyaga oo kala hadlay sida ugu suurtagalsan ee uu xiddigu ugu wareegi karo kooxda reer Turkey.

Kooxda reer Turkey ee Besiktas ayaa Zlatan Ibrahimovic u aragta badalka ugu macquulsan ee Cenk Tosun oo dhawaan ku biiray kooxda Everton.

Waxa todobaadkan gudihiisii soo baxay warar sheegaya in uu Ibrahimovic isaga tagi karo kooxda Man United ka hor inta uuna dhamaan heshiiskiisu.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa doonaya koox uu si joogto ah ugu ciyaaro wakhtiga ka haray noloshiisa ciyaareed maadama uu haatan ka dambeeyo weeraryahanka Romelu Lukaku.

Waxa la filayaa in ay kooxda Besiktas tartan adag kala kulanto kooxaha horyaalada shiincaha iyo maraykanka kuwaas oo xiiso u muujiyay adeega khabiirkan.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply