Zinedine Zidane Oo Uu Calaacalku Ka Dhamaaday Kadib Guuldaradii Ka Soo Gaartay Villarreal

Inkasta oo ay Real Madrid mar kale ku siibatay garoonkeeda Estadio Santiago Bernabeu laakiin tababare Zinedine Zidane ayaa diiday in uu eeda dusha ka saaro xiddigaha kooxdiisa isaga oo sheegay in ayna u qalmin in ay guuldaro soo gaarto.

Kulanka ayaa ku dhamaaday gool ay kooxda Villarreal dhalisay daqiiqadii 88-aad oo uu u dhaliyay xiddigah Pablo Fornals.

“Umaanu qalmin tan”ayuu Zidane yiri intii uu ku jiray shirkii ka dambeeyay kulanka.

“Waxa aan aaminsanahay in aanu u ciyaarnay si fiican kulanka”.

Koox u ekayd xilli ciyaareedkii hore mid aan laga badin karin laakiin haatan waxa ka luntay kalsoonidii.

“Aad ayay haatan u adag tahay kalsoonidu”ayuu sii raaciyay.

“Waxa aanu helnay fursado aanu gool ku dhalin karno laakiin ugu dambayntii waxa aanu iska ilaalin kari waynay kubadaha rogaal celiska ah”ayuu yiri.

“Waa In aanu guul gaarno maalin un”.

“waanu ognahay xaalada maalin walbana way kasii adkaanaysaa, sidaa darteed haatan xitaa haatan horyaalka kama fikirayno, kaliya kulanka xiga”

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply