Zidane Oo Laga Doonayo Italy,Ibrahimovic Oo Koox Wadahadalo La Furay & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala iibsiga

Wacan oo wanaagsan dhamaan Akhristayaasha aanu jecelnahay meel walba oo aad ka joogtaan dunida waxa aanu idinku salaamaynaa salaanta Islaamka Asalaamu Calaykum warxamatulah.

Intaa kadib waxa aanu halkan idiinku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada adduunku ka qoraan wararka khuseeya ciyaaraha.

Suuqa kala iibsiga ayaa  si Rasmi ah uga furmay horyaalada yurub xilli kooxaha reer yurub ay suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdooda.

Kooxda.com wax masuul ah kama ahan wararkan waxana xuquuqdooda leh wargaysyada ku hor xusan ee laga soo xigtay.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa qirtay in uuna wax niyad ah u hayn in uu ka tago Arsenal xagaaga oo uu kooxda sii joogi doono ilaa 2019 (Daily Mirror).

Kooxda Tottenham ayaa qorshaynaysa in ay wadahadalo heshiis kordhin ah la furto xiddigaha Christian Eriksen Iyo Heung-min Son (Daily Mirror).

Chelsea ayaa isha ku heysa macalinka Juventus Massimiliano Allegri ama tababaraha Napoli Maurizio Sarri oo bedel u noqonaya Antonio Conte (Evening Standard).

Manchester United ayaan u muuqan inay xiiso u hayso xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Leicester city ee Jamie Vardy (Leicester Mercury).

Tababaraha West Ham David Moyes ayaa shaaca ka qaaday in Andy Carroll uusan iib ahayn ka dib markii lala xiriiriyay Chelsea (Sky Sport).

Antonio Conte ayaa ku adkeysanaya sida kaliya ee uu uga tagayo Chelsea in ay tahay in ay cayriyaan maamulka Kooxda chelsea (Daily Mirror).

Leroy Sane ayaa shaaca ka qaaday inuu laba jeer diiday fursad uu Jurgen Klopp kula biiri karo kooxda Liverpool (The Sun).

Kooxaha Man United iyo Man city ayaa Alexis Sanchez ku war galiyay in ay isaga khusayso kooxda uu doonayo in uu ku biiro (Daily Express).

Wakiilka xiddiga Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa wadahadalo kula jira kooxda Besiktas xilli uu qorshaynayo in uu 36 jirka reer Sweden isaga tago kooxda Man United (Fanatik).

Kooxda Juventus ayaa laga yaabaa in ay chelsea iyo Man United ku garaacdo xiddiga khadka dhexe ee Lorenzo Pellegrini (Calciomercato).

Kooxda Real Madrid ayaa saxiixa Neymar u dhaqaaqi doonta xagaaga dambe xilli kooxdu si weyn suuqa u gali doonto (Marca).

Manchester City ayaa la kulantay wakiilka xiddiga Nice iyo  Ivory Coast Jean Michaël Seri ee Isbuucii lasoo dhaafay (Le Parisien).

Juventus ayaa dooneysa in ay  Zinedine Zidane u magacawdo tababarahooda cusub hadii Max Allegri uu ka tago dhamaadka xilli ciyaareedkan (Il Corriere della Sera).

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply