Zidane La Ligaha Gacan Miyuu Ka Taagay Haatan , Rajada Suuqa Kala Iibsiga Real-na Waa Sidee , Macalinka Ayaa Si Kulal Uga Jawaabay”.

Tababare Zidane ayaa ka hadlay bar bar dhici xalay ay la galeen Celta Vigo oo ay ugu martiyeen kullan wareegga 18-aad ee La ligaha ahaa waxa ayna ku kala baxeen min laba gool

Wargeyska AS ayuu Zidane ka yiri ” kuma faraxsanin natiijadaas , waxaan awodnay in aan soo bandhigno wax ka wacan ciyaartii maanta, runtii ahaantii 90-kii daqiiqo wax wacan ma aynu soo bandhigin ”

“Qeybta labaad ee ciyaarta Celta Vigo waa ay ina cadaadiyeen si xooga, n kuma aynu guuleysan in aan kubadda ka soo fogeeyno mandiqadeena” ayuu sii raaciyay Zidane

“Aad ayaan uga careysannahay heer ciyaareedkeenii qeybta labaad , haatan kama hadli karno loolanka horyaalka hadiiba wareeg waliba aynu qasaarineyno dhibacaha”.

Mar wax laga weydiiyay in suuqa kala wareegga ee bishaan furan uu galayo waxa uu Zidane yiri ” haatan uma baahni ciyaartooy cusub sidaas oo ay tahay aan aragno waxa dhaca illaa 31-ka bishaan , haatan waan ku faraxsanahay ciyaartooyda aan haysto “

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply