XOG: Halkee Ayay Man United Kaga Jiri Lahayd Kala Saraynta Horyaalka Premier League Hadii Ayna Haysan David De Gea, Imisa Dhibcood Ayuu Kaligii U Shaqeeyay Kooxda

Waxa soo baxday xog muujinaysa muhiimada uu David De Gea u leeyahay kooxda Man United iyo waliba halka ay horyaalka kaga jiri lahayd haatan hadii ayna haysan David De Gea.

Xogta ayaa muujinaysa in ay kooxda Man United u tartami lahayd kaalmaha Europe League xilli ciyaareedka dambe halka ay haatan si raaxo leh ugu jirto booska loogu soo boxo champions leagey.

 This is where Manchester United would be in the league without David De Gea this season

Xog ay samaysay wargayska The Sun ayaa sheegaya in De Gea uu kaligii uu Kooxda Man United u shaqeeyay 11 dhibcood horyaalka xilli ciyaareedkan.

Hadii ayna isaga haysan ay ku jiri lahayd kaalinta 6-aad 6 dhibcood oo cadaan ahna ka dambayn lahayd kooxda Tottenham ee ku jirta kaalinta 4-aad.

De Gea ayaa xilli ciyaareedkan badbaadiyay cel-celis ahaan 81.6 laag oo lagu laagay horyaalka waana rikoor cajiib ah oo uu dhigay tan iyo markii uu Premier league ku soo biiray sanadkii 2011.

Guushii waalida ahayd ee ay United ka gaartay Arsenal ayuu De Gea bar-bareeyay rikoor premier league ah kadib markii uu badbaadiyay 14 kubadood oo gool ahayd halka ay United guuldaro kala kulmi lahayd Liverpool kulankii 0/0 ku dhamaaday hadii uuna De Gea joogin.

Sidoo kale kooxaha Bournemouth Iyo Southampton ayaa dhibco ka qaadan lahaa kooxda uu hogaamiyo Jose Mourinho hadii uuna De Gea Joogin.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply