Xiriirka Kubada Cagta Yurub Ee UEFA Oo Soo Saaray Shaxdii Ugu Fiicnayd Sanadkii 2017 & Codadka Ay Helaan Xiddigaha Xiddigaha La Doortay

Xiriirka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa si Rasmi ah u soo saaray shaxdii ugu fiicnayd sanadkii 2017 ee ay codeeyeen taageerayaasha kubada cagtu.

Shaxda ayay sidii caadada ahayd ugu badan yihiin xiddigaha ka ciyaara Spain kuwaas oo ku leh 6 xiddig oo ay kooxda Real Madrid 5 xiddig leedahay iyo hal xiddig oo Barcelona ah.

Premier league ayaa dhankiisa leh 2 xiddig oo kaliya halka sidoo kale horyaalka Italy leeyahay 2 xiddig iyo hal xiddig oo horyaalka France ah.

Xiddiga ugu qaalisan suuqa kala iibsiga ee Neymar ayaa gabi ahaanba laga dhex waayay shaxda ugu fiican sanadkii 2017 ee la soo dhaafay.

Xiddigaha shaxdan ku soo baxay ayaa kala ah Buffon (Juventus),Alves (PSG),Ramos(Real Madrid),Ghiellini (Juventus/Ac Milan),Marcelo (Real Madrid),De Bruyne (Man city),Kroos(Real Madrid),Modric (Real Madrid),Hazard (Chelsea),Messi (Barcelona) Iyo Cristiano Ronaldo (Real Madrid).

Halkan Hoose Kaga Bogo Sida ay codadka U Kala Heleen Xiddigaha Loo Doortay Shaxda Ugu Fiican Sanadka 2017:

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply