Xiddig Lala Xiriirinayo Inter Milan Oo Aan Laba Maalmood Soo Xaadirin Tababarka Kooxdiisa

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay u muuqato mid ku guulaystay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa January sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga diirada u saaran kooxda Inter Milan weerarkana uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain Javier Pastore Ayaan tababarka kooxda reer France ka soo muuqan labadii maalmood ee ugu dambaysay.

28 jirkan reer Argentine ayaan kulamo badan u ciyaari kooxda Paris Saint-Germain isaga oo booskiisa u waayay xiddigaha Neymar Iyo Kylian Mbappe.

Waxa uu kaliya kooxda PSG xili ciyaareedkan u ciyaaray 8 kulan waxana la aaminsanyahay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda si uu ugu biiro koox uu si joogto ah ugu ciyaaro una badbaadiyo rajadiisa ka ciyaarista koobka adduunka.

Xiddiga ayaan tababar la qaadan kooxda ugu yaraan labadii maalmood ee ugu dambaysay xilli uu tababare Unai Emery ku adkaysanyo in uu la hadli doono xiddiga.

Arintan ayaa la xiriirta xiiso ay kooxda Inter Milan oo doonaysa adeega xiddigan reer Argentine in ay ku xoojiyaan kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply