Xasaasi: Qorshaha Ay Kooxda Real Madrid Ku Soo Xero Galinayso Neymar Oo la Ogaaday & Lama Filaan Ay Los Blancos Damacsantahay

Kooxda Real Madrid ayaa isha ku heysa inay lasoo wareegto Neymar dhammaadka xilli ciyaareedka soo socda, sida laga soo xigtay wargeysyada Spain.

Laacibkan ayaa ku soo laabanaya Horyaalka La Liga laakiin waxa lala xiriirinayaa kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan kooxdiisii hore ee Barcelona ee Real Madrid.

Wargayska Marca ayaa sheegaya in Los Blancos ay aaminsantahay in sanadka 2019 uu noqon doono sanadka ay dhamaystiri doonaan saxiixa xiddiga xilli ay doonayaan in ay sii fiicneeyaan xiriirka milkiilayaasha kooxda Paris Saint-Germain.

Waxa jirta sababo badan oo Real Madrid kalsooni ku siinaysa in ay dhamaystiri doonaan mid ka mid ah heshiisyada ugu muranka badnaan doona taariikhda suuqa kala iibsiga.

Kooxda Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay xiddigan ku soo xero galiso lacag dhan 178 milyan euro xilli uu xiddigu wakhtigaas noqon doona 28 jir.

Waxa sidoo kale jira Cristiano Ronaldo oo ay kooxda PSG wali xiiso u qabto waxana laga yaabaa in ay heshiiska ku darto xiddiga 5- Ballon d’Or ku guulaystay oo uu haatan shaki ku jiro mustaqbalkiisa.

Real Madrid ayaan saxiix weyn samayn ilaa sanadkii 2014 markaas oo James Rodriguez ahaa xiddigii ugu dambeeyay ee ay saxiix weyn samayso.

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply