Xasaasi: Man City Oo Gabi Ahaan Isaga Hartay Baacsiga Alexis Sanchez Albaabkana U Furtay In Ay United Xiddiga Hesho & Sababta Oo La Ogaaday

Kooxda Man United ayaa mar kale rajo fiican ka heshay baacsiga xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez sida ay sheegayaan wararka haatan soo baxay.

Kooxda Man city ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay isaga harto baacsiga ay ugu jirto Alexis Sanchez kooxda ay jaarka yihiina u furto wadadada ay ku heli karto xiddiga Arsenal.

City ayaa ugu cad-cad saxiixa Sanchez tan iyo markii ay heshiiska 60 milyan ah ku waday xagaagii maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga.

Laakiin kooxda Man United ayaa jaarkooda city kulabiiray tartanka xiddiga todobaadkan iyaga oo dalab aan la diidi karin miiska u saartay 29 jirkan reer chile.

Si kasta ha ahaatee City ayaa dalabaadka ay kooxda Arsenal iyo wakiilada xiddigu dalbanayaan u aragta mid aad u sareeya in kasta oo xiddiga 6 bilood heshiiskiisa Emirates uga hartay.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay xiddiga ku iibiso lacag dhan 35 milyan oo euro halka wakiiladiiu dalbanayaan lacag dhan 5 milyan si ay heshiiska ugu dhamaystiraan.

Sanchez ayaa dhankiisa doonaya in uu mushahar ahaan u qaato lacag dhan 300 oo kun Oo Gini City ayaanan diyaar u ahanyn in ay bixiso lacagahaas taas oo keenaysa in ay xiisaha xiddiga isaga harto ilaa ay hoos u dhigayaan lacagahaas.

Sanchez ayaa si aad ah u doonaya in uu isaga tago kooxda inta lagu guda jiro suuqa January waxana ay city diyaar u tahay in ay xiddiga gabi ahaan isaga harto taas oo albaabka u furaysa in ay United dhamaystirto heshiiska

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply