Xasaasi: Khabiirka Sky Sport Ee Guillem Balague Oo Sheegay In Ay Jirto Koox Kale Oo Ku Jirta Tartanka Loogu Jiro Alexis Sanchez

Khabiirka Sky Sport ee Guillem Balague ayaa sheegay koox diyaar u ah in ay Alexis Sanchez la wareegto hadii heshiiska uu xiddigu ugu biirayo kooxda Man United uu bur-buro lana dhamaystiri waayo maalmaha yar ee soo socda.

Koox aan la magacaabin ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo Alexis Sanchez hadii uu ku biiri waayo kooxda Man United sida laga soo xiganayo Khabiirka Sky Sport ee Guillem Balague.

Kooxda Man United ayaa haatan hogaaminaysa tartanka loogu jiro xiddiga reer Chile iyada oo ugu cad-cad in ay kala saxiixato kooxda Arsenal.

Wararka ayaa sheegaya in 29 jirkan uu wakhti horeba heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda Man United inkasta oo ay chelsea xiiso wakhti dambe ah u muujisay.

Guuners ayaa sugaysa in uu Henrikh Mkhitaryan go,aansado in uu ka qayb noqon doono heshiiska kuna biiri doono kooxda Arsenal si heshiiska loo dhamaystiro.

Laakiin saxafiga aadka loo qiimeeyo ee Guillem Balague sheegay in ay jirto koox aan la magacaabin in ay diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply