Xasaasi: Heshiiska Uu Alexis Sanchez Ugu Biiri Karo United Oo Khatar Ugu Jira In Uu Bur-Buro & Koox Reer Spain Ah Oo Sabab U Noqon Karta

Heshiiska uu Alexis Sanchez ugu biirayo kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in uu ku xiran yahay xiddiga Henrikh Mkhitaryan oo ku biiray kooxda Arsenal laakiin Haatan heshiiska ayaa gabi ahaanba bur-bur ku dhaw sida ay sheegayaan wararku.

Sanchez ayaa u muuqda mid ku dhaw in uu ku biiro Old Trafford iyada oo Express Sport fahamsantahay in uu xiddigu mushahar ahaan u qaadan doono lacag dhan 500 kun todobaadkii.

United ayaa doonasa in uu heshiisku si deg-deg ah horay ugu socdo si uu xiddigu diyaar ugu noqodo kulanka sabtida ee ay la ciyaari doonto Burnley.

Laakiin Arsenal ayaa diidi doonta in uu heshiisku gabi ahaanba dhoco hadii uuna Mkhitaryan ka qayb noqon heshiiska Alexis Sanchez.

Waxana lagu soo waramayaa in ay Atletico Madrid diyaar u tahay in ay xiddiga reer Armenina hadii uu ku biiri waayo kooxda Arsenal.

Wargayska El Gol Digital ayaa sheegaya in ay kooxda Atletico Madird diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa Mkhitaryan inta lagu jiro suuqan.

Atletico ayaa diyaar u ah in ay xiddiga miiska u saarto lacagta uu dalbanayo si ay khal-khal buuxa u galiso heshiiska Alexis Sanchez uu ugu biirayo Man United

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply