Xasaasi: Allegri Mise Ancelotti? Kooxda Chelsea Oo Heshiis La Gaartay Tababarihii Ay Ku Badali Lahayd Antonio Conte,

Kooxda chelsea ayaa u muuqata in ay isku diyaarinayso nolol ka dambaysa Tababare Antonio conte iyada oo lagu soo waramayaa in ay heshiis la gaartay tababarihii shaqada ka badali lahaa tababaraha kooxda haatan hogaamiya ee Antonio Conte sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Italy.

Tababaraha kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa ogolaaday inuu la wareego tababaranimada kooxda chelsea xagaaga soo socda shaqadana ka badalo Antonio Conte.

Massimiliano Allegri ayaa laga yaabaa inuu ku wajahan yahay Chelsea si uu tababaraha ay isku dalka yihiin ee Antonio Conte uga badalo kooxda chelsea.

Waxa u muuqataa in uu Conte shandadihiisa qaadan doono marka uu xilli ciyaareedku dhamaado bisha May xilli Blues doonayso tababaraha juventus ee Allegri si uu shaqada ula wareego.

Corriere dello Sport ayaa ku warameysa in uu Allegri ugu sareeyo liiska tababarayaasha ay chelsea doonayso in ay ka dhigaan tababarohooda cusub ee maamuli doona Stamford Bridge.

Si kasta ha ahaatee wargayska ayaa intaa ku daraya in ayna kooxda Juventus wax niyad ah u hayn in uu Allegri ka tago uventus Stadium.

50 Jikr reer Italy ayuu heshiiskiisu dhacayaa ilaa sanadka 2020 waxana ay doonayaan in ay sii haystaan tababarohooda ilaa inta uu heshiiskiisu dhacayo.

Alleri ayaa kooxda kula guulaystay 2 koob 3-dii sano ee ugu dambaysay waxana uu finalka champions league geeyay xilli ciyaareedkii hore markaas oo ay Real ka qaaday.

 

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply