Wel-Wel Chelseaa: Laba Kooxood Oo Ka Mid Ah Kooxaha Ugu Waaweyn Yurub Oo Xiriir La Sameeyay Tababarah Chelsea Ee Antonio Conte

Tababaraha Kooxda chelsea ee Antonio Conte ayaa wali soo jiidanaya indhaha kooxaha ugu waaweyn yurub iyo waliba madaxda kooxahaas.

Atonio Conte oo ay kooxdiisa chelsea bar-baro la gashay kooxda Arsenal kulankii xalay ee premier league ayaa xiiso waali ah ka helaya kooxo badan oo reer yurub ah.

Xilli ay horay u jireen warar sheegaya in uu tababarihii hore kooxda Juventus dib ugu laabanayo Italy si uu tababare ugu noqdo kooxda Ac Milan.

Hadana wargayska Football Italy ayaa haatan sheegaya in tababare Conte uu xiiso waali ah ka helay kooxda Bayern Munich oo raadinaysa badalka tababaraha khabiirka ah ee Jupp Heynckes

Waxa sidoo kale xiiso u qabta kooxda PSG oo doonaysa badalka tababaraha reer Spain ee Unai Emery waxana ay labada kooxood xiriir Rasmi ah la soo sameeyeen wakiilka Tababaraha reer Italy iyaga oo doonaya in ay adeegiisa helaan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababarahan ayaa si weyn uga cabanaya siyaasada kooxdiisa Chelsea isaga oo dhawr jeer maamulka kooxda ku weeraray in ayna u soo gacan galin bar tilmaameedkiisa ugu horeeya ee uu suuqa ka doonayso.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply