WARBIXIN:Thomas Lemar,Alexis Sanchez,Yannick Carrasco,Nabil Fekir & Todoba Xiddig Oo Ay Liverpool Midkood Ku Buuxin Doonto Booska Coutinho.

Kooxda Barcelona ayaa ugu dambayn heshiis rikoor ah kula heshiisay Liverpool iyaga oo ka doonaya xiddiga khadka dhexe ee Philippe Coutinho kaas oo noqon doona xiddig Barcelona ah kadib wadahadalo wakhhti dheer qaatay oo ay labada kooxood wada yeesheen.

Philippe Coutinho ayaa noqon doona xiddiga 2-aad ee ugu qaalisan kadib markii ay Barcelona ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 160 milyan oo euro oo ay waliba halka hore ka bixin doonto lacag dhan 140 milyan oo euro.

Inkasta oo uuna xiddiga reer France ahayn badalka tooska ah ee Coutinho ee wakhtigaas laakiin xiddigan ayaa u muuqda mid buuxin kara booska xiddiga reer Brazil hadii uu xagaaga ama January ka tago.

Xilli uu Thomas Lemar wali saaran yahay diirada Liverpool laakiin su,aasha ayaa wali ah ayay Liverpool ku buuxin doontaa booska Coutinho hadii uu bishan ama xagaaga ka tago kooxda.

Hadaba waxa aanu warbixintan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha dookha u noqon kara Liverpool ee ay ku buuxin karto booska Coutinho.

Thomas Lemar (Monaco):

Monaco's French midfielder Thomas Lemar

Liverpool ayaa doonaysay Thomas Lemar xagaagii iyaga oo xitaa diyaariyay shaqaalaha caafimaadka oo diyaar u ahaa in ay u duulaan France maalintii ugu dambaysay si ay caafimaadka u mariyaan xiddiga hadii ay Liverpool heshiis la gaadho Monaco.

Xilli ay wakhti horeba iibisay qaar ka mid ah xiddigeheedii ugu fiicnaa kooxda Monaco ayaa diiday in ay iibiso 22 jirkan reer France.

Xiddiga reer France ayaa badal toos ah u noqon kara Coutinho inkasta oo ayna isku qaab ciyaareed ahayn laakiin waa xiddigaha uu Klopp jecel yahay.

Julian Draxler (PSG):

Julian Draxler of Paris Saint-Germain

Xiddigan reer Germany ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee u soo kacaya kubada cagta waana xiddig uu Klopp doonayay suuqii January ee ugu horeeyay ee uu Liverpool joogay isaga oo doonayay in uu ku xoojiyo kooxdiia.

Draxler ayaa doortay kooxda PSG laakiin waxa haatan lala xiriirinayaa in uu isaga tagayo maadama uuna wali si joogto ah ugu ciyaarin xilli ciyaareedkan.

Waa xiddig awood u leh in uu la shaqeeyo xiddigaha weerarka ah ee kooxda Liverpool haatan u jooga isaga oo ka ciyaari kara weerarka ama khadkad dhexe laakiin waxa uu horumar uga baahan yahay dhanka gool dhalinta.

Alexis Sanchez (Arsenal):

Alexis Sanchez of Arsenal scores against Liverpool

Liverpool ayaa isku dayday in ay xiddiga la saxiixato sanadkii 2014 laakiin xiddiga ayaa doortay kooxda Arsenal hadii ay adeegiisa u dhaqaaqdana waxa uu noqonayaa mid cajiib ah.

Maaha xiddig leh Astaamaha Klopp iyo maamulka Reds laakiin waa xiddig lagu helayo qiime macquul ah oo jaban January maadama 6 bilood uga harsan yihiin heshiiskiisa Emirates.

Yannick Carrasco (Atletico Madrid):

Yannick Carrasco of Atletico Madrid

Xiddiga reer Belgium ayaa si aad ah uga dhex muuqday caasimada Spain ka dib markii uu 53 kulan u saftay Diego Simeone xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin ka dib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaaray bishii October, 24 jirkaan ayay ku adkaaday inuu boos ka helo kooxda Atletico, isagoo kaliya afar kulan oo horyaalka ah ciyaaray waliba badal ku soo galay dhamaantood.

Inkastoo uu yahay ciyaaryahankan garabka ka ciyaara hadana waxa uu awood u leeyahay in uu sidoo kale ka ciyaaro labada garab Carrasco ayaa sidoo kale waqti ku qaatay booska dhexe waxaana laga yaabaa in uu noqdo xiddig macquula oo ku soo biiri kara Anfield.

Manuel Lanzini (West Ham):

Manuel Lanzini of West Ham United scores against Liverpool

Inkastoo Wilfried Zaha iyo Riyad Mahrez ay yihiin labada ciyaaryahan ee ugu fiican xiddigaha ka ciyaara kooxaha ka baxsan 6-da kooxood ee ugu waaweyn premier league, Lanzini ayaa ah xiddiga leh tayada Coutinho.

Awooda kubad haysashada iyo waliba awooda uu isaga wareegyo laynka xiddiga reer Argentine wuxuu ahaa ciyaaryahanka ugu fiican ee West Ham labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay.

Christian Pulisic (Borussia Dortmund):

Christian Pulisic in action for the United States

Xiddigan ayaa ah rajada weyn ee Maraykana 19 jirkaan ayaa lagu qiimeeyaa mid ka mid ah ciyaartoyda da’da yar ee ugu fiican Yurub, waxaana uu durbaba dhaliyay sagaal gool oo xulkiisa ah.

Klopp ayaa doonaya isaga oo waliba taageere u ah xiddigan laakiin kooxda Boropia Dortmund ayaa ku adkeysaneysa inuusan iib aheyn.

Laakiin kadib markii ay kooxda BVB Cayrisay tababare Peter Bosz tababare cusubna u magacawday Pepe Stoger waxa ay Liverpool haatan u haysataa fursad fiican oo ay ku heli karto haatan xiddiga.

Nabil Fekir (Lyon):

Nabil Fekir of Lyon scores at Everton earlier this season

Fekir ayaa durba soo jiitay kooxo badan kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay oo uu ka mid yahay tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane.

Waxa iska cad in 24 jirkan lala xiriirinayo in uu isaga tagayo France marka si loo eegana waxa uu xiddigu la qaab ciyaareed yahay Coutinho.

Waxa uu dhaliyay 13 gool 16 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan waxana uu qeyb muhim ah ka qaatay in ay kooxda Lyon u soo baxdo wareega 32 ee tartanka  Europe League.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply