WARBIXIN XIISO LEH: Neymar,Kylian Mbappe,Eden Hazard,Sergio Ramos & 10 Xiddig Oo Sanadka 2018 Soo Af Jari Kara Guulaha Xiriirka Ah Ee Ronaldo & Messi Ee Ballon d’Or.

10-kii sano ee ugu dambeeyay Ballon d’Or abaalmarinta Ballon d’Or-ka ayay isku badalayeen kaliya laba xiddig.

Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaalmarinta ugu qiimaha badan ee shaqsiga ah mid 5 jeer 10-kii sano ee ugu dambaysay.

Xilli uu Kaka ku dhawaaqay in uu ka fariistay ciyaaraha Ronaldo iyo Messi ayaa ah kaliya xiddigaha haatan garoomada ku jira ee ku guulaystay Ballon d’Or-ka.

Labadan xiddig ayaa muquuniyay ama qariyay fursadihii ay xiddigaha kale ugu tartami lahaayeen abaalmarintan.

Image result for Cristiano Ronaldo and Lionel Messi have split the last 10 Ballon d'Or titles between them... but who is capable of usurping them this year?

Laakiin Messi iyo Ronaldo ayay labadooduba haatan ku jiraan da,doodii 30-ka xilli uu koobka adduunku fooda inagu soo hayo waxa ay fursad u tahay xiddigo badan oo da,yar ah in ay is muujiyaan si ay sanadka ugu qabsadaan xiddigaha Ronaldo iyo Messi abaalmarinta.

Hadaba waxa aanu warbixintan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee awooda u leh in ay soo afjaraan guulaha xiriirka ah ee labadaas xiddig.

Neymar – Forward (Paris Saint-Germain/Brazil):

Neymar has started life at Paris Saint-Germain in blistering fashion after moving in the summer

Neymar ayaa la tartamaya Ronaldo iyo Messi labadii sano ee ugu dambaysay waxana uu u muuqdaa xiddiga ugu cad-cad ee labada xiddig ka dhaxli kara ku guulaysiga abaalmarintan Neymar ayaa kooxdiisa PSG ka caawiyay in ay 9 dhibcood ku hayso hogaanka waxana uu sidoo kale ka caawiyay in ay kaalinta 1-aad kaga soo baxdo Group-kooda champions league uu si raaxo leh xulka Brazil ugu hogaamiyay in ay u soo baxaan koobka adduunka hadaba dadaalkaas ayaa midho dhalin kara hadii uu xiddiga koobab ku guulaysto siiba koobka adduunka.

Kylian Mbappe – Forward (Paris Saint-Germain/France):

Kylian Mbappe has scored goals galore for PSG this season and would be the youngest winner

Waxa uu noqon doonaa mid ka mid ah xiddigaha sida weyn ula tartami doona Neymar sanadka 2018 waana xiddiga ay isku kooxda yihiin ee  Kylian Mbappe, Kadib markii uu Monaco ka caawiyay in ay ku guulaysato horyaalka France Kylian Mbappe ayaa ku soo biiray kooxda PSG isaga oo isla xagaagii hore kula biiray Neymar waxana uu ka mid yahay xiddigaha dhaxal galka u ah weerarka kooxda PSG xilli uu wali yahay 19 jir Mbappe ayaa wali leh mustaqbal fog waxana uu fursad u heli doonaa in uu koobka adduunka wacdaro ka dhigo hadii uu sanadka 2018 ku guulaysto abaalmarinta Ballon d’Or waxa uu noqon doonaa xiddigii ugu yaraa ee sidaa sameeya.

Harry Kane – Forward (Tottenham/England):

Tottenham's Harry Kane outscored both Ronaldo and Messi during the year 2017

Harry Kane ayaa sanad fiican ku qaatay goolka hrotiisa xaqiiqda ayaa ah in uu haatan yahay gool dhaliyaha ugu fiican ee sanadka 2017 isaga oo markii ugu horaysay ka qaaday xiddigaha Ronaldo iyo Messi magaca xiddiga ugu goolasha badan sanadka xiddiga ayaa sidoo kale wacdaro ku bilowday xilli ciyaareedkan isaga oo hogaaminaya gool dhalinta horyaalka ugu adag yurub ee premier league.

Kevin De Bruyne – Midfielder (Man City/Belgium):

Manchester City's Kevin De Bruyne has been in outstanding form this season

Man city ayaa xilli ciyaareedkan ku bilaabatay si cajiib ah iyaga oo 19 kulan oo xiriir ah badiyay 2 kulana bar-baro galay 21-kii kulan ee ugu horeeyay ee premier league, Kevin De Bruyne ayaa ah laf dhabarta qaab ciyaareedka kooxda Man city ee ilaa haatan isaga oo dhaliyiyay 7 gool sidoo kale caawiye ka noqday 12 kale xilli city 14 dhibcood ku hayso hogaanka horyaalka, hadii uu Kevin De Bruyne ku sii wado qaab ciyaareedkan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka lana tago kooxda adduunka kadib waxa uu fursad weyn u haystaa in uu ku guulaysto abaalmarinta Ballon d’Or.

Eden Hazard – Midfielder (Chelsea/Belgium):

Eden Hazard continues to be a stand-out player for both club and country

Xiddigan reer Belguim ayaa sidoo kale si weyn ugu sharaxan in uu hawada ka saaro xiddiga Ronaldo iyo Messi mrka loo eego tayadiisa ciyaareed, Hazard ayaa kooxdiisa iyo waliba xulkiisa ka caawiyay in ay gaaraan guulo wax ku ool ah taas oo soo jiidatay kooxda Real Madrid, xiddigan ayay ka horeeyaa bilihiisii ugu fiicanaa noloshiisa waxana uu si weyn ugu sharaxan yahay ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or.

Sergio Ramos – Defender (Real Madrid/Spain):

Sergio Ramos could buck the recent trend and become a defender to win the Ballon d'Or

Markii Ronaldo ku guulaystay abaalmarintiisii ugu dambaysay ee Ballon d’Or may jirin cid walba oo u Hambalyaysay, halyeeyga reer Germany ee Phillip Lahm ayaa sheegay in abaalmarintu tahay kaliya mid caan lagu noqonayo, ma jiro daafac ku guulaystay abaalmarintan tan iyo Fabio Cannavaro oo ku guulaystay 2006 markii uu Italy kor u qaaday koobka adduunka, Hadii uu jiro daafac ay u badantahay in uu abaalmarintan ku guulaysto waa Sergio Ramos, Kabtanka Real Madrid ayaa ka mid ah daafacyada ugu fiican adduunka isaga oo ay waliba goolal u raacaan.

Paul Pogba – Midfielder (Manchester United/France):

Paul Pogba has started to impress more for Manchester United in the last year

Markii uu Pogba jabiyay rikoorka suuqa kala iibsiga kuna biiray xagaagii 2016 taageerayaasha adduunka ayaa wax badan ka filanayay xiddigan, ilaa haatan Pogba ayaan soo wada bixin awoodiisa laakiin xiddigan ayaa leh awood iyo waliba tayo uu ku noqon karo xiddiga ugu fiican adduunka, ilaa haatan Pogba ayay dib u dhigeen dhaawacyo iyo Ganaaxyo laakiin hadii uu xiddigu United iyo xulka France kula guulaysto koobab kadib waxa uu magaciisa ku dari karaa xiddigaha ku guulaysan kara Ballon d’Or.

Antoine Griezmann – Forward (Atletico Madrid/France):

Antoine Griezmann has only scored five league goals for Atletico Madrid this season

Waa xiddigii 3-aad ee France ah ee liiskan ku jira xiddiga Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa kaalinta 3-aad ka galay tartanka Ballon d’Or sanadkii 2016 waxana uu ka dambeeyay Ronaldo iyo Messi laakiin xilli ciyaareedkan ayuuna si fiican ku bilaaban, 26 jirkan ayaan wali soo bandhigi qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa isaga oo kaliya ilaa haatan 5 gool dhaliyay horyaalka La Liga laakiin kooxdiisa ayaa ku jirta kaalinta 5-aad xilli France ka mid tahay xulalka ugu cad-cad hanshada koobka adduunka hadii uu midaas ka caawiyo xulka France kadib waxa uu noqon doonaa xiddigaha ku tartami kara abaalmarinta.

Toni Kroos – Midfielder (Real Madrid/Germany):

Toni Kroos is Real Madrid's midfield master and can dictate the pace and tempo of any game

Waxa uu ka mid yahay koox ay ka buuxaan xiddigo tayo fiican leh sidaa darted qaabkiisa iyo awoodiisa lama arko inta badan laakiin Kroos ayaa laf dhabar ka ah guulihii ugu dambeeyay ee ay kooxda Real Madrid gaartay sidoo kale xiddigan ayaa u ciyaara xulka Germany oo isagu tartan walba ugu cad-cad ku guulaysigiisa hadii uu koobka adduunka iska muujiyo shaki la,aan waxa la aqoosan doonaa awoodiisa waxana uu ka mid noqon doonaa xiddigaha u tartami kara abaalmarinta.

Paulo Dybala – Forward (Juventus/Argentina):

Paulo Dybala celebrates a goal for Juventus against Verona with his trademark 'mask' 

Waa magaca ugu dambeeya Liiska waana xiddig la xul ah Lionel Messi waxana uu kaalinta 15-aad ku dhamaystay abaalmarinta Ballon d’Or sanadkii 2017, Awooda Dybala ayaan ahayn mid qarsoon hadii ay kooxda Juventus mar kale awood u yeelato in ay final gaarto isla markaasna gacanta ku dhigto tartanka champions league shaki la,aan waxa uu ka mid noqon doonaa xiddigaha u tartami kara.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply