WARBIXIN: Xiddigaha U Tartamaya Gool Dhalinta Yurub & Dhibcaha Ay Heleen ilaa Haatan & Xiddigaha Real Madrid Oo Laga Waayay 200 Ee Kaalmood Ee Ugu Horeeya

Waxa ay noqon doontaa mid aad loola yaabo hadii xiddig Real Madrid ah ku guulaysto kabta dahabka ah ee gool dhalinta yurub ee xilli ciyaareedkan marka loo eego in ayna kooxda Los Blancos wax xiddig ah ku lahayn 200 ee xiddig ee ugu horeeya ee ugu goolasha badan yurub.

Xiddigaha Cristiano Ronaldo, Isco, Marco Asensio Iyo Gareth Bale ayaa ah xiddigaha ugu goolasha badan horyaalka waxana ay ilaa haatan dhaliyeen min 4 gool waxana ay goolal badan ka dambeeyaan xiddigaha kale.

Xiddigaha ugu horeeya ee ugu goolasha badan ayaa ah Harry Kane Iyo Ciro Immobile kuwaas oo dhaliyay min 20 gool iyaga oo shaqaystay 40 dhibcood.

Edinson Cavani, Mauro Icardi Iyo Mohamed Salah ayaa dhamaantood ku xiga halka uu Lionel Messi ku jiro kaalinta 6-aad  isaga oo dhaliyay 17 gool kaas oo haatan ah xiddiga ugu goolasha badan La Liga.

Hadaba Halkan Kaga Bogo Xiddigaha Ugu Goolasha Badan iyo dhibcaha ay shaqaysteen.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply