WARBIXIN: Xiddig Lama Filaan Ah Oo Noqday Xiddiga Ugu Safashada Badan Premier League

Xiddig ka ciyaara horyaalka Premier league ayaa si lama filaan ah u noqday xiddiga ugu safashada badan tartamada oo dhan sida laga soo xiganayo wargayska The Sun.

Weeraryahanka kooxda Everton ee Dominic Calvert-Lewin ayaa ciyaaray kulan ka badan ciyaaryahannada kale ee Premier League tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Dominic Calvert-Lewin ayaa ku soo bilaabatay kulankii FA Cup-ka ee ay kooxda Everton guuldarada kala kulantay kooxda Liverpool habeenkii jimcaha.

Da ‘yarta Toffees, oo 20 jir ah, ayaa ku riyaaqay qaab fiican ka hor inta aan laga saarin kulanka qaybtii dambe kadib markii uu daalay.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee xulka 21 jirada England ayaa ciyaaray in ka badan xiddig kasta oo premier league ah xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Calvert-Lewin oo haatan u ciyaara kooxda Toffees ayaa haatan ciyaaray 34 kulan tartamada Premier League, Europa League, Carabao Cup iyo FA Cup.

Nasiib xumo kooxda Everton iyo weeraryahankan ayaa haatan dhamaan ka hadhay tartamada oo dhan marka laga reebo tartanka premier league.

Calvert-Lewin ayaa dhaliyay 7 gool oo tartamada oo dhan ah 34-kii kulan ee uu ciyaaray isaga oo ka horeeya xiddiga Marcos Rashford oo isagu ciyaaray 33 kulan.

Weeraryahanka Man United ayaa ka horeeya xiddiga kooxda chelsea ee Willian oo ciyaaray 32 kulan iyo xiddiga reer Belguim ee Romelu Lukaku oo ciyaaray 31 kulan.

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa isagu ciyaaray 30 kulan isaga oo la mid ah xiddigaha kooxda Everton ee Tom Davies Iyo Jordan Pickford.

Xiddiga kooxda Man city ee Bernardo Silva ayaa si lama filaan ah xiddigaha 30 kulan ciyaaray kula biiray weeraryahanka kooxda Man United ee Anthony Martial.

Xiddiga kooxda Everton ee Calvert Lewin oo haatan hogaaminaya xiddigaha ugu safashada badan premier league tartamada oo dhan isaga oo ciyaaray 34 kulan ayay u badantahay in uu sii wadi waayo hogaamintaas.

Laakiin xiddigaha kooxaha kale ee ka mid ah xiddigaha ugu safashada badan ayaa sii wadi kara rikoorkan maadama ay wali ku jiraan tartamo badan.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply