WARBIXIN: Taageerayaasha Liverpool Oo Codkooda Ka Dhiibtay Waxa Ay Tahay In Ay Kooxdu Ka Samayso Philippe Coutinho,Iyaga Oo Soo Kale Badalkiisa Doortay

Ku dhawaad 4,000 oo taageerayaasha kooxda Liverpool ayaa fikirkooda ka dhiibtay mustaqbalka xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho iyaga oo sheegay ama u codeeyay waxa ay doonayaan in uu noqdo mustaqbalka xiddiga reer Brazil.

58% taageerayaasha codeeyay ama rajaynaya in uu Philippe coutinho sii joogo kooxda Liverpool ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka ka hor inta uuna ku biirin Barcelona xagaaga.

Mustaqbalka xiddiga Liverpool ee No.10 ayaa si weyn loo hadal hayay toodbaadkan kadib markii uu suuqa kala iibsigu dib u furmay inkasta oo ayna Barcelona wax dalab ah ka soo gudbin adeegiisa.

Kala bar taageerayaasha Reds ayaa u codeeyay in la iibiyo xiddiga reer Brazil isla markaana lacagta lagu keeno badalkiisa inta lagu jiro suuqa January halka 5% taageerayaasha Liverpool in ay u codeeyeen in la iibiyo Coutinho isla markaasna ayna kooxdu lacagta bangiga dhigato oo ayna badalkiisa la soo wareegin January.

Kala barka taageerayaasha Liverpool ee u codeeyay in Coutinho la iibiyo ayaa kaliya ku codeeyay in ay Liverpool ogolaato in ay xiddiga ku fasaxdo 150 milyan oo euro iyo wax ka badan halka 21% ay aaminsan yihiin in ay xaq tahay in xiddiga Barcelona looga iibiyo lacag dhan 100 miyan oo euro.

Xiddiga Thomas Lemar ayaa ah xiddiga ugu cad-cad ee ay Taageerayaasha Liverpool u codeeyeen in lagu badalo xiddiga reer Brazil hadii uu January tago.

Liverpool ayaa ku dhawaatay in ay saxiixa xiddiga reer france iyaga oo xitaa diyaariyay shaqaalaha caafimaadka si ay ugu duulaan caafimaadkana u soo mariyaan xiddiga hadii ay kooxda Monaco ka heshiiyaan.

44% taagerayaasha Liverpool ayaa u codeeyay in ay Liverpool u dhaqaaqo xiddiga Monaco si ay badal uga dhigto halka xiddiga Alexis Sanchez uu noqday xiddiga 2-aad ee codadka ugu badan helay ee ay doonayaan in lagu badalo Coutinho.

Xiddiga reer chile ayaa diirada u saarnaa kooxda Liverpool sanadkii 2014 iyaga oo ku doonayay in ay ku buuxiyaan booska Luiz Suarez waxana uu haatan ku jiraa bilihiisii ugu dambeeyay.

Xiddigaah Julian Draxler, Nabil Fekir Iyo Christian Pulisic ayaa laftoodu helay taageerayaal ugu codeeyay in lagu badalo coutinho.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply