WARBIXIN: Real Madrid Oo Dagsatay Qorshe Ay Suuqa January Ku Heli Karto Mauro Icardi

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay dagsatay qorshe ay ku helayso xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga January.

Real Madrid ayaa suuqa u galaysa sidii ay suuqa uga heli lahayd weeraryahan cusub kadib qaab ciyaareed aad u liita oo ay kooxdu ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.

Waxaa lagu soo waramayaa in Real Madrid ay Karim Benzema u soo bandhigi doonto qeyb ka mid ah heshiiska Mauro Icardi, lakiin waxa ay u badan tahay inuu weeraryahanku cusbooneysiiyo qandaraaskiisa.

Kooxda reer Spain ayaa si aad ah loola xiriirinayay weeraryahankan maalmihii dhowaa, iyadoo L’Équipe shalayto soo warisay in ay Zidane iyo maamulka Real Madrid ka wada hadleen xiddiga.

Wargeyska Gazzetta dello Sport ayaa ku waramaya in lacagta 110 milyan ah ee lagu bur-burin karo heshiiska Icardi in uuna Dhaqan galin suuqa January sidaa darteed xiddiga ayaa lacag badan ku kalifaya Real hadii ay doonayso saxiixa xiddiga bisha.

Kabtanka Nerazzurri ayaan ciyaarin champions league sidaasi darteed wuxuu u ciyaari karaa Madrid tartankaas haddii uu u dhaqaaqo Bernabeu.

Wargeyska ayaa ku soo waramaya in kooxda heysata horyaalka Spain inay xitaa ku soo dari karto Karim Benzema heshiis isku badalasho ah.

Si kastaba ha ahaatee, Gazzetta ayaa sidoo kale sheegaya in xaalada xeerka dhaqaale wanaaga ee ay ku jirto hadana in ayna ku qasbanyn in ay xiddiga iibiso.

ntaa waxaa dheer, Icardi ayaa dhawr jeer sheegay in uu doonayo sii joogo kooxda sidaasi darteed suuqa January ayaa u muuqata mid aan macquul aheyn.

Xaqiiqdii, kulan ayaa la qorsheynayaa inuu u dhax maro xaaskiisa iyo wakiilkiisa, Wanda, iyo qareennada kooxda si ay u cusbooneysiiyaan heshiiskii xiddiga reer Argentine.

Icardi ayaa la siin doonaa mushaar kordhin, halka kooxda ay sidoo kale kor u qaadi doonto lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisa.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply