WARBIXIN: Qaab Noocee Ah Ayay Liverpool Ku Heli Kartaa Saxiixa Naby Keita Suuqa January

Kooxda LIVERPOOL ayaa diyaar u ah inay bixiso lacag dheeraad ah si ay Naby Keita ugu keento Anfield bishaan, sida ay sheegayaan wararka.

Jurgen Klopp ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu xiddiga heerka caalami ee dalka Guinea ku buuxiyo booska uu baneeyay xiddiga 145 milyan ugu biiray Barcelona ee Philippe Coutinho.

 Naby Keita is back on loan at RB Leipzig currently

Mirror ayaa sheegeysa in Liverpool lacag kale siin doonto RB Leipzig halkaas oo ah meesha uu Keita Amaahda ku joogo waxana ay diyaar u yihiin in ay miiska u saaraan lacag si ay u helaan adeegiisa haatan.

Liverpool ayay ka caawin kartaa rabitaankooda xaqiiqda ah in uu 22 jirakn doonayo in uu u soo dhaqaaqo England fursadii ugu horeysay.

Si kasta ha ahaatee waxa la aamisansan yahay in ay Liverpool ku adkaan doonto in ay kooxda Leipzing ku qanciso in ay xiddiga sii dayso maadama uu yahay xiddiga ugu fiican.

Waxa intaa sii dheer in Leipzig ayaa seegtay wareega 16-ka Champions League ee xilli ciyaareedkan.

Waxa ay si weyn ugu dagaalami doonaan sidii ay xilli ciyaareedka dambe ugu soo bixi lahaayeen tartanka waxana ay u baahan yihiin in ay haystaan xiddigooda ilaa haatan 5 gool dhaliyay.

Keita ayaa la filayaa inuu si rasmi ah ugu biiro Liverpool 1da July sannadkan kadib markii ay xagaagii ka bixiyeen lacag dhan 48 milyan oo euro.

Ma cada ilaa haatan sida ama fikrada ay Liverpool u bixin doonto lacagta dheeriga ah si ay xiddiga wakhti hore u keento.

Liverpool ayaa la aaminsana yahay in ayna lacagta sida ay doonto u bixinayn laakiin ay kaliya u dhaqaaqi doonaan xiddiga ay aaminsan yihiin in uu kooxda waxku soo kordhin karo lacag macquul ahna lagu helayo.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply