WARBIXIN: Olivier Giroud,Daniel Sturridge,David Luiz & Xiddigaha U Baahan In Ay Suuqa January Ka Tagaan Kooxohooda Haatan Si Ay U Badbaadiyaan Rajadooda Koobka Adduunka

Waxa lagu jiraa todobaadyadii ugu horeeyay ee suuqa January waxana durba jira xiddigo badan oo kooxo cusub ku biiray iskana tagay kooxdood.

Suuqa ayaa furnaan doona ilaa 31 bisha January waxana ay koox walba isha ku hayn doontaa sidii ay u xoojin lahayd meesha ay ka jilicsantahay.

Laakiin waxa sidoo kale fooda inagu soo haya koobka adduunka oo ay haatan kaliya inaga xigaan 5 bilood waxana jira xiddigo badan oo inta suuqa January lagu jiro u dagalami doona sidii ay ugu biiri lahaayeen koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan si ay u badbaadiyaan rajadooda koobka adduunka.

Hadaba waxa aanu warbixin ku soo bandigi doonaa xiddigaha u baahan suuqa January in ay kooxo cusub oo ay joogto ugu ciyaari karaan ku biiraan si ay koobka adduunka uga qayb galaan.

OLIVIER GIROUD: xiddiga reer France ayaa xulka qarankiisa u dhaliyay 29 gool 69 kulan oo uu u ciyaaray laakiin waxa uu haatan kursigiisa koobka adduunka ayaa shaki weyn ku jira, 31 jirkan ayaan kulamo badan u ciyaarin kooxdiisa Arsenal isaga oo kaliya 15 kulan u ciyaaray horyaalka premier league waliba badankooda uu badal ku soo galay.

DANIEL STURRIDGE: marka uu wakhtiga fiican ku jiro Daniel Sturridge ayaa ah xiddigaha ugu horeeya ee loo xushu England laakiin tan iyo sanadkii 2015 waxana xiddigan dhibay dhaawacyo joogto ah xitaa hadii uu haatan taam yahay xiddigan ayaan u ciyaarin kooxda Liverpool isaga oo ka dambeeya xiddiga reer Brazil ee Roberto Firmino, si kasta ha ahaatee marka la eego weeraryahanada uu xulka England haysto xiddigan ayaa khatar ugu jira in uuna raacin diyaarada ay Xulka England u raaci doonaan Russia.

DAVID LUIZ: Xiddigan ayaa shaki la,aan si weyn ugu baahan in uu isaga tago Blues bishan hadii uu doonayo in uu xulka Brazil matalo koobka adduunka,Luiz ayaan wax kulan ah u ciyaarin Blues tan iyo October xilli uu haatan bur-buray xiriirkii u dhexeeyay isaga iyo tababare Antonio Conte.

JAVIER PASTORE: Xiddiga reer Argentine ayay ahayd sanad aad u xun kadib markii uu ka baxay Qorshaha kooxda PSG ee xilli ciyaareedkan taas oo keentay in uu xiddigan doono in uu isaga tago kooxda. xiddigan ayaan kulamo badan u ciyaarin xilli ciyaareedkan waxana uu u baahan yahay in uu isaga tago chelsea si uu Argentine u raaco koobka adduunka Russia 2018.

MOHAMED ELNENY: Xiddiga reer Egypt ayaa mar walba soo bandhiga qaab ciyaareed fiican laakiin su,aasha meesha taagan ayaa ah awood ma u leeyahay in uu Arsenal ka caawiyo in ay Horumar gaarto, Inkasta oo uu tagayo koobka adduunka hadana waxa uu kaliya premier league ciyaaray 263 daqiiqo xilli ciyaareedkan taas oo saamayn ku yeelan doonta koobka adduunka.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply