WARBIXIN: Min Matthias Sammer ilaa Philippe Coutinho & 7 Xiddig Oo Ay Inter Milan Iska iibisay Kadib Ka Mid Noqday Xiddigaha Ugu Fiican Adduunka

Philippe Coutinho ayaa 145 milyan oo euro ugu biiray kooxda Barcelona kadib markii ay Liverpool inter Mian 8.5 milyan kala soo wareegtay sanadkii 2013.

Tan ilaa 1990-kii Inter Milan ayaa kaliya la soo saxiixan jirtay xiddigaha ugu fiican adduunka laakiin waxa ay ku fashilimeen in ay sii haystaan muddo dheer.

Waxa ay laba jeer rikoorka suuqa kala iibsiga u jabiyeen si ay ula soo saxiixdaan xiddigaha Christian Vieri and Ronaldo iyaga oo suuqa kula tartamayay kooxaha waaweyn.

 

 

Laakiin Waxa ay soo bandhigeen waji kale oo ah suuqa kala iibsiga iyaga oo ah kooxda ugu xun ee taariikhda iska iibisa xiddigaha inta ayna soo bandhigin wajigooda saxda ah.

Xitaa kama hadlayno marka ay ku qasbanaadaan in ay xiddig iibiyaan sababo la xiriira xeer qabana laakiin waxa ay xiddigaha u ogolaadaan in ay iska tagaan.

Waxa aanu warbixintan ku soo bandhigi doonaa 7 xiddig oo ay Inter Milan go,aansatay in ay iska erido laakiin koox kale ku noqday xiddigo cajiib ah.

Matthias Sammer:

 Matthias Sammer in action during a short spell with Inter Milan back in 1992

Waxa uu inter Milan ku biiray sanadkii 1992 isaga oo kaga biiray kooxda Stuttgart ee reer Germany laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu la qabsado nolosha Italy.

Sammer ayaa kaliya 4 gool u dhaliyay 11 kulan oo uu u ciyaaray Inter Milan oo uu ka mid yahay kulan ay la ciyaarayeen Juventus laakiin waxa uu amaah 6 bilood ah ugu biiray kooxda Borussia Dortmund.

3 Sano kadib waxa uu Germany kula guulaystay Euro 96 isaga oo sidoo kale ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or halka uu kadib champions league kula guulaystay BVB sanadkii 1997.

Dennis Bergkamp:

 Dennis Bergkamp in action for Inter Milan during a Uefa Cup tie with Norwich

Waxa uu Inter Milan kaga soo biiray Ajax sanadkii 1993 iyada oo laga filanayay wax badan kadib markii uu kaalinta 2-aad ka galay abaaalmarinta Ballon d’Or sanadkaas.

Si kasta ha ahaatee Milkiilaha Massimo Moratti ayaa ka doorbiday saxiixa cusub ee Maurizio Ganz waxana Bergkamp loo ogolaaday in uu ku biiro kooxda Arsenal isaga oo ugu biiray rikoor England ahaa wakhtigaas oo dhamaa 7.5 milyan.

Kadib bilow hooseeya oo uu ku bilowday xiddiga reer Holland ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo isku muujiyay Arsenal.

Roberto Carlos:

 Roberto Carlos won the Champions League three times with Real Madrid

Inkasta oo uu xiiso ka haysatay Middlesbrough xiddiga reer Brazil ayaa doortay in uu ku biiro Inter Milan xagaagii 1995.

Carlos ayaa kaliya Inter Milan u ciyaaray hal xilli ciyaareedka halka uu markii dambe dhibaatooyin ka sheegtay tababarihii kooxda wakhtigaas ee Roy Hodgson.

Real Madrid ayaa xiddiga la wareegtay waxana uu kula guulaystay Los Blancos 4 La Liga iyo 3 champions league isaga oo sanadkii 2002 Brazil kula guulaystay koobka adduunka.

Andrea Pirlo:

 Andrea Pirlo was at Inter Milan before joining AC Milan and becoming a star

Xiddigan ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican Italy ee Abid soo mara taariikhda Italy waxana ay u ogolaadeen ina uu ku biiro kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Ac Milan isaga oo 22 jir ah sanadkii 2001.

Pirlo ayaa ku guulaystay 2 champions league iyo waliba 5 horyaal oo Ital ah oo ka mid yihiin 4 uu kula guulaystay Juventus 2011 ilaa 2015.

Clarence Seedorf:

 One year after losing Andrea Pirlo, Inter sold Clarence Seedorf to AC Milan

Sanad kadib Inter ayaa dhigeeda Ac Milan siisay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican khadka dhexe adduunka waliba laf dhabar u noqday Ac Milan.

Seedrof ayaa San Siro kula guulaystay Ac Milan 2 champions league kadib markii uu Ajax iyo Real Madrid wakhti ku soo qaatay.

Laakiin waxa uu Rossoneri ku biiray iyaga oo isku badashay Francesco Coco Waxa haatan loo aqoonsan yahay xiddigaha ugu fiican kubada cagta.

Leonardo Bonucci:

 Leonardo Bonucci in action for Bari against Inter Milan shortly after leaving club

Juventus ayaa si lama filaan ah xiddigan uga iibisay Ac Milan xagaagii la soo dhaafay iyada oo Milan ka bixisay lacag dhan 38 milyan oo euro.

Laakiin Inter Milan ayaa isaga u ogolaatay in in uu ku biiro Genoa taas oo iyaduna ka sii iibisay Bari kuna iibisay kaliya 3 milyan oo euro sanadkii 2009 isaga oo 22 jir ah.

Bonucci ayaa haatan ka id ah xiddigaha ugu fiican adduunka qayb libaax lehna ka qaatay koobab ay Juventus ku guulaystay sanadihii ugu dambeeyay.

Philippe Coutinho:

 Philippe Coutinho was considered the future of Inter Milan, but was allowed to leave

Waxa ay u soo saxiixdeen xiddig mustaqbal ku leh Inter isaga oo 18 jir ah laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu ka mid noqdo kooxda 1-aad waxana amaah loogu diray kooxda Espanyo sanad kadib.

Coutinho ayaa qaab fiican ku soo bandhigay La Liga waxana ay Liverpool 8.5 milyan oo euro kula wareegtay January 2013.

Waxa uu tan ilaa wakhtigaas ka mid noqday xiddigaha ugu fiican Premier league waxana ay haatan Barcelona ka bixisay lacag dhan 145 milyan euro.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply