WARBIXIN: Kooxaha Lacagta Ugu Badan Suuqa Galiyay Xilli Ciyaareedkan Oo La Soo Saaray Barcelona Oo Ugu Badan & Real Madrid Oo Ugu Yar, Waa Sidee Xaalka Kooxaha Premier League

Suuqba suuqa ka dambeeya ayaa rikoor la jabinayaa xilli ciyaareedkan laakiin kooxda Real Madrid ayaan lacagaha u kharash garayn sida kooxaha kale ee qaarada yurub.

Ku dhawaad 2.4 bilyan euro ayay durba suuqa galiyeen 14 kooxood laakiin Los Blancos ayaa kaliya 42.5 galsiay suuqa kala iibsiga.

 

Dabcan sidan ayaan ahayn qaabka Real Madrid iyada uu uu Madaxweyne Florentino Perez suuqa galiyay lacago waali ah oo uu kula soo saxiixday xiddigaha like Luis Figo, Zinedine Zidane, David Beckham, Ronaldo, Cristiano Ronaldo Iyo Gareth Bale.

Si kasta ha ahaatee iyada oo ay Real Madrid lacagaha xiddigo waaweyn ku kharash garaysay Perez iyo Agaasimayaashiisa ayaa haatan kooxda keena xiddigo da,yar ah oo ay qiimo hooseeya ku keenayaan kooxda xilli Real Theo Hernandez Iyo Dani Ceballos keentay xagaagii.

Xaqiiqdii, labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay Real Madrid ayaa dhab ahaantii wadar ahaan 84 milyan euro suuqa galisay.

DHanka kale kooxda Barcelona ayaa 312.5 milyan euro suuqa xiddigo kala soo wareegtay xilli ciyaareedkan iyada oo keentay Paulinho, Ousmane Dembele iyo Philippe Coutinho.

Kooxda Barcelona ayaan kali ku ahayn xilli ay kooxaha Chelsea, Juventus, Liverpool, Atletico Madrid iyo labada Manchester ay suuqa galiyeen laba jibaar lacagta ay Real suuqa galisay.

Halkan Hoose Kaga Bogo Kooxaha Lacagta Ugu Badan Suuqa Galiyay Xilli Ciyaareedkan:

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply