WARBIXIN: Kadib Ku Biiritaankiisii Barcelona Halkee Ayuu Philippe Coutinho Kaga Jiraa Xiddigaha lacagta Badan Lagu Bur-Burin Karo Heshiiskooda

Kooxda Barcelona ayaa Philippe Coutinho ka dhigtay ciyaaryahanka labaad ee ugu qaalisan caalamka markii ay ku iibsadeen 142 milyan oo ginni.

25 jirkaan ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sanno iyo bar ah oo uu ku sugnaa Nou Camp, islamarkaana soo afjaray muddo 5 sano ah oo uu joogay Kooxda Liverpool.

Waxa ay u badan tahay inuu uu xirfadiisa ciyaareed ku dhamaysto kooxda Barcelona laakiin si ay uga fogaato Barcelona si ayna ugu dhicin arintii Neymar Waxa ay heshiiskiisa ku xirtay lacag lagu bur-burin karo oo dhan 335 milyan oo euro.

Hadaba su,aasha Jawaabta u baahan ayaa ah halkee ayuu kaga jiraa 10 xiddig ee lacagta ugu badan lagu jabin karo heshiiskooda kubada cagta.

Waxa aanu halkan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee lacagta ugu badan lagu bur-burin karo heshiiskooda.

1. Cristiano Ronaldo (Real Madrid) – £886m

2. Karim Benzema (Real Madrid) – £886m

3. Lionel Messi (Barcelona) – £626m

4. Isco (Real Madrid) – £620m

5. Marco Asensio (Real Madrid) – £620m

6. Gareth Bale (Real Madrid) – £443m

7. Luka Modric (Real Madrid) – £443m

8. Toni Kroos (Real Madrid) – £443m

9. Dani Ceballos (Real Madrid) – £443m

10. Philippe Coutinho (Barcelona) – £355m

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply