WARBIXIN: Coutinho,Neymar,Zidane,Pogba & 10 Xiddig Ee Kooxihii iibiyay Ay Jeebka Ku Shubteen Lacag Badan Oo Faa,iido Ah

Inkasta oo ay wayday xiddig muhiim u ah hadana kooxda Liverpool ayaan ku khasaarin waayitaanka xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho.

Ku biiristii Coutinho uu 145 milyan ugu biiray kooxda reer spain ayaa Reds ka dhigtay in ay faa,iido fiican ka heshay iibka xiddiga oo ay lacag jaban ugula soo wareegtay sanadkii 2013.

European club profits made from selling key football stars

Xilli aan Coutinho laga aqoon adduunka tababare Brendan Rodgers ayaa kooxda Liverpool ku keenay kaliya lacag dhan 8.5 xilli uu haatan noqday xiddiga 2-aad ee ugu qaalisan suuqa kala iibsiga.

Kooxda Barcelona aya kaalinta 1-aad kaga jirta kooxaha faa,iidada ugu badan ka helay xiddigaha ay iibiyaan

Hadaba waxa aanu warbixintan ku soo gudbin doonaa kooxaha faa,iidada ugu badan ka helay xiddigaha ay iibiyeen:

1) Barcelona (2017) – NEYMAR

Santos – Barcelona £49m (2013)

Barcelona – PSG – £198m (2017)

Intii uu joogay Barcelona: 4 sano

Faa,iido = £149m

Neymar signed for Barcelona in 2013He departed the club for PSG in the summer

Neymar ayaa kooxda reer France ee PSG ugu biiray rikoorka heshiiska ugu qaalisan suuqa kala iibsiga xagaagii la soo dhaafay isaga oo ugu biiray lacag dhan 198 milyan euro halka ay markii hore kaliya ku soo iibsatay lacag dhan 49 milyan oo euro taas ayaa la macno ah in ay faa,iido u heshay lacag dhan 149 milyan euro.

2) Liverpool (2018) – PHILIPPE COUTINHO

Inter – Liverpool £8.5m (2013)

Liverpool – Barcelona £145m (2018)

Intii uu joogay Liverpool: 5

Faa,iido = £136.5m 

Coutinho signed from Inter Milan in 2013 for £8m but has now moved to Spain with BarcaThe Brazilian during his unveiling at the Nou Camp

Liverpool ayaa xiddiga reer Brazil la soo saxiixatay sanadkii 2013 iyada oo kaliya 8 milyan oo euro uga soo qaadatay kooxda Inter Milan waxana uu noqday xiddigaha ugu fiican adduunka.

Liverpool ayaa si aad ah u doonaysa in ay u sii haysato xiddiga laaiin kooxda Barcelona ayay ka go,nayd in ay helaan xiddiga waxana ay ugu dambayn ka heshay faa,iido dhan 136.5 milayn euro.

3) Juventus (2016) – PAUL POGBA

Manchester United – Juventus Xor (2012)

Juventus – Manchester United £89m (2016)

Intii uu joogay  Juventus: 4

Faa,iidada= £89m

Paul Pogba decided to leave Old Trafford in search for regular football, joining JuventusThe Frenchman returned to United for £89m, meaning the Italians made a massive profit

Pogba ayaa go,aansaday in uu isaga tago kooxda Man United sanadkii 2012 markii uu ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda Red Devils.

Xiddiga ayaa ku biiray kooxda Juventus isaga oo waliba ka mid noqday xiddigaha ugu fiican adduunka khadka dhexe ka ciyaara.

Xiddiga reer France ayaa ku soo laabtay bilowgii xilli ciyaareedkii hore waxana uu kooxda Juventus jeebka ugu shubay lacag dhan 89 milyan euro oo faa,iido ah.

4) Borussia Dortmund (2017) – OUSMANE DEMBELE

Rennes – Borussia Dortmund £13.5m (2016)

Borussia Dortmund – Barca £94.5m (2017)

Intii uu joogay Borussia Dortmund : 1

Faa,iido = £81m

Dortmund took just one season to make a hefty profit when Ousmane Dembele joined BarcaDembele during his unveiling by the Spanish club

Kooxda Dortmund ayaa kaliya Ousmane Dembele haysatay xilli ciyaareed kaliya oo uu u dhaliyay 10 gool iyo 20 caawin tartamada oo dhan waxana uu Ku biiray kooxda Barcelona xagaagii la soo dhaafay.

Kooxda reer Germany ayaa lacag fiican ka heshay laakiin 25% lacagta lagu iibiyay waxa iska lahayd kooxda Rennes oo uu ka yimid markii hore.

5) Tottenham (2013) – GARETH BALE

Southampton – Tottenham £10m (2007)

Tottenham – Real Madrid £86m (2013)

Inta uu joogy Tottenham: 7

Faa,iido = £76m

Tottenham made a £76m mark-up when Gareth Bale completed his Real Madrid move in 2013Bale left Spurs for Madrid in £86m move

Southampton ayaa si la mid ah Rennes xiddigan ku xirtay heshiiskiisa lacagta lagu iibiyo in ay helaan lacag dhan 25% waxana uu sanadkii 2013 ugu biiray kooxda Real Madrid lacag dhan 86 milyan euro.

Bale ayaa wakhtigaas ahaa xiddig ugu qaalisan suuqa kala iibsiga maadama uuna suuqu ahayn mid u waalan sida uu haatan u waalan yahay ama lacagaha waalida ah lagu iibsanayo xiddigaha.

6) Manchester United (2009) – CRISTIANO RONALDO 

Sporting Lisbon – Manchester United £17m (2003)

Manchester United – Real Madrid £80m (2009)

Inta uu u joogay Manchester United: 6

Faa,iido: £63m

Cristiano Ronaldo left United in 2009, sealing dream £80m move — for a then world record feeRonaldo during his Real Madrid unveiling

Xiddigan reer Portugal ayaa wakhtigiisii kooxda Man United ku biiray Real Madrid isaga oo lagu iibsaday lacag aad u badan inkasta oo ay United ku soo iibsatay kalita 17 milyan oo euro.

Xiddigan oo guulo la gaaray kooxda Man United ayaa snaadkii 2009 ku biiray kooxda Los Blancos isaga oo ugu biiray lacag dhan 80 milyan oo euro taas oo la macno ah in ay United faamiido u heshay 63 milyan oo euro.

7) Southampton (2018) – VIRGIL VAN DIJK

Celtic – Southampton £13m (2015)

Southampton – Liverpool £75m (2018)

Inta uu joogay Southampton: 2 iyo bar

Faa,iido = £62m

Southampton can at least take solace from this month's business after selling Virgil van DijkThe Dutch defender has joined Liverpool

Kooxda Southampton ayaa mar kale iibsiay mid ka mid ahdaafacyada ugu fiican laakiin waxa ay ka taabatay lacag fiican kadib markii uu noqday daafaca ugu qaalisan suuqa kala iibsiga.

Southampton ayaa markii ay soo iibsanaysay kaliya ku soo iibsatay xiddiga 13 milyan oo euro waxana ay markii dambe ka faa,iiday lacag dhan 62 milyan oo euro.

8) Liverpool (2014) – LUIS SUAREZ

Ajax – Liverpool £22.8m (2011)

Liverpool – Barcelona £75m (2014)

Intii uu jooga Liverpool: 3 iyo bar

Faa,iido = £52.2m

Liverpool showed their scouting prowess and were rewarded when selling Luis SuarezBarcelona paid a hefty £75m to sign their man

Liverpool ayaa mar kale soo heshootay xiddig heer caalami ah kadib markii ay Ajax kala soo wareegtay Luis suarez iyada oo ka soo bixisay lacag dhan 22.8 milyan euro.

Suarez ayaa wakhti fiican ku soo qaatay Liverpool isaga oo ka mid noqday weeraryahankada ugu fiican premier league iyo waliba yurub.

Laakiin xiddigan ayaa sanadkii 2014 ku biiray kooxda Barcelona isaga oo ugu biiray lacag dhan 75 milyan oo euro waxana ay Liverpool faa,iido ahaan ka heshay 52.2 milyan euro.

9) Juventus (2001) – ZINEDINE ZIDANE

Bordeaux – Juventus £3m (1996)

Juventus –  Real Madrid £48m (2001)

Inta uu Joogay Juventus: Five

Faa,iido = £45m

Zinedine Zidane was named 1996's Ligue 1 player of the year with Bordeaux before the Italian giants swoopedIt was another world-record capture for Real and another huge profit for the selling club

Waa xiddig kale oo ay Real Madrid rikoorka u jabisay si ay u hesho adeegiisa waxana ay sanadkii 2001 gacanta ku dhigtay Zidane oo joogay Juventus.

Zidane ayaa sanadkii 1996 kaga biiray kooxda Juventus horyaalka France waxana ay kaliya ka bixisay lacag dhan 3 milyan oo euro.

Laakiin kadib 5 sano waxa uu 48 milyan oo euro ugu biiray kooxda Real Madrid taas oo la macno ah in Juventus 45 milyan ka faa,iiday iibkiisa.

10) Everton (2017) – ROMELU LUKAKU

 

Chelsea – Everton £28m (2014)

Everton – Manchester United £75m (2017)

Inta uu jooga Everton: 3

Faa,iido= £40m

Everton took a huge punt on Romelu Lukaku when they paid Chelsea £28m to sign himThe big Belgian made the club £40m when he left for United this season

Kooxda Everton ayaa Romelu Lukak ka bixisay lacag dhan 28 milyan oo euro waxana uu Lukaku ka mid noqday weeraryahanada ugu halisan premier league.

Si kasta ha ahaatee Man United ayaa xagaagii hore ka dhigtay xiddiga ugu qaalisan ee laga dhex iibsado England waxana ay ka bixisay lacag dhan 75 milyan waxana ay Everton ka heshay 40 milyan oo faa,iido ah.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply