WARBIXIN: 13 Farqi Oo Sharaxaya Masaafada U Dhexaysa Kooxaha Barcelona & Real Madrid

Bar-barihii Axadii ay Real Madrid la gashay Celta Vigo ayaa la macno ah in ay haatan 16 dhibcood ka dambayso kooxda Barcelona ee hogaamiyayaasha horyaa taas oo haatan mid adag ka dhigaysa in ay u tartanto ama ay difaacato horyaalka.

Hadaba waxa aanu warbixintan ku soo bandhigi doonaa 13 farqi oo u dhexeeya labada kooxood anaga oo waliba farqi walba sharaxayna.

1.Ter Stegen vs Keylor:

Labada goolhaye ayaa ku kala nool haatan laba caalam oo kala duwan, tababaraha reer Germany ayaa u sharaxan ku guulaysiga abaalmarinta Zamora trophy waxana haatan lagu tiriyaa goolhayaha ugu fiican adduunka, Keylor Navas ayaan muujiyay joogtayn la,aan iyada oo sababta ugu weyn tahay dhaawacyo iyo maqnaansho badan, Zidane ayaa wali sii wada difaacida goolhayaha xilli ay kooxdu doonayso goolhaye Kepa.Marc-Andre ter Stegen ayaa kaliya laga dhaliyay 7 gool oo kaliya iyada oo celi-celis ahaan u dhiganta 0.39 kulan kasta halka Navas laga dhaliyay 10 gool taas oo u dhiganta hal gool kulan kasta.

2.Dhibaatada Daafaca Dhexe ama xalkooda:

Real Madrid ayay saamayn ku yeelatay maqnaanshaha badan ee Sergio Ramos iyo Raphael Varane taas oo daafaca bidix ee Nacho Fernandez ka dhigtay xiddiga ugu ciyaarista badan daafaca dhexe xilli ciyaareedkan, Jesus Vallejo ayaa isugu ciyaaray kulamo yar oo La Liga ah xilli ciyaareedkan, laakiin Barcelona xalka ayaa ahaa mid kala duwan Gerard Pique Iyo Samuel Umtiti ayaa noqday lamaane adag ilaa uu xiddiga reer France dhaawac soo waxana wakhtiga uu maqan yahay Umtitit qaab fiican soo bandhigay xiddigaha Javier Mascherano Iyo Thomas Vermaelen.

3.Ka Faa,iidaysigaIyo Wel-welka Garbaha daafaca:

Qaab ciyaareedka Marcelo iyo Jordi Alba ee labadooda kooxood ayaan ahayn mid isku mid ah, xiddiga reer Spain ayaa lamaane cajiib ah la sameeyay Lionel Messi waxana uu si joogto ah qaab ciyaareed fiican u soo bandhigaa, Marcelo ayaa dhibaatoonaya tan ilaa markii uu dhaawaca ka soo laabtay waxana uu sameeyaa khaladaad waali ah midkii ugu dambeeyay ayaa ahaa kulankii Celta Vigo markii Real laga dhaliyay goolka 2-aad marka lagu daro Dani Carvajal Iyo Achraf Hakimi garbaha daafaca ee Real ayaa isku darkoodka caawiye ka noqday hal gool. halka Nelson Semedo,Sergi Roberto Iyo Jordi Alba ay caawiye ka noqdeen 11 gool.

4.Ka Qayb Qaadashada Kaydka:

Barcelona ayay kaydkoodu ka caawiyeen in ay guulo gaarto xilli ciyaareedkan guushii ay ka gaareen Getafe Denis Suarez iyo Paulinho ayaa kaydka kala soo kacay goolasha, kulankii Sevilla Paco Alcacer ayaa laba gool dhaliyay,Gerard Deulofeu ayaa si fiican uga qayb qaatay caawinta kooxda bilowgii xilli ciyaareedka, Vermaelen ayaa qaab cajiib ah soo bandhigay maqnaanshihii Umtiti taas oo muujinaysa fiicnida ay leedahay isku badalka shaxda Barc. xilli ciyaareedkii 2016/17 Real Madrid ayay si weyn u caawiyeen kaydkooda laakiin nasiib xumo tayada haatan kooxda ee kaydka ayaa ah mid liidata iyada oo uu kaliya Dani Ceballos laba gool dhaliyay kulankii Deportivo Alaves.

5.Zidane and Valverde:

Ernesto Valverde waxa uu ahaa wajiga Barcelona ee xilli ciyaareedkan xilli ay kooxdu ku sii socoto hanashada horyaalka,inkasta oo ayna magacaabistiisu ahayn mid si weyn loo jeclaa hadana waxa uu muujiyay caqi badni isaga oo kooxda ka dhigay midii ugu fiicnayd ee sanado la arko dhanka kale Zidane ayaa ah mid si weyn uga caraysan hoosta laakiin waxa uu mar walba muujiyaan daganaan isaga oo waliba diidan in ay kooxdiisu xiddigo cusub la soo wareegto xilli uu tababaraha reer France xal u laayahay kooxdiisa.

6.Weeraryahanka Oo Su,aal La Iska waydiinayo:

Karim Benzema ayaa kaliya dhaliyay 2 gool,Cristiano Ronaldo ayaa isna dhaliyay 4 gool oo kaliya halka uu Gareth Bale sidoo kale dhaliyay 4 kale. Lionel Messi ayaa dhanka kale dhaliyay 16 gool oo League ah, suarez ayaa dhaliyay 11 halka weerarka Barcelona uu si cajiib ah u yahay mid wax soo saar leh kooxda ka caawiyay in ay hesho 48 gool halka Los Blancos dhalisay kaliya 32 gool.

7.Messi and Cristiano:

Inkastoo Ronaldo uu ku guuleystay Ballon d’Or-kiisii shanaad hadana Cristiano Ronaldo ayaa ku jira qaab ciyaareed aad u hooseeya oo aynan ka filanayn in uu soo bandhigo. ganaaxii bilowgii xilli ciyaareedka ayaa sabab u noqday in uu seego 4 kulan oo horyaalka ah tan ilaa haatan waxa uu ku dhibaatoonayaa in uu dib u helo qaab ciyaareedkiisii lumay dhanka kale Lionel Messi ayaa soo bandhigaya qaab ciyaareed aan caadi ahayn isaga oo ah sabbata ay kooxda Barcelona ilaa haatan guuldaro la,aanta u tahay.

8.Saamaynta Saxiixyada cusub:

Zidane ayaan suuqii January samayn saxiixyo fiican laakiin sidoo kale waxa ay u muuqataa in uuna xitaa ku kalsoonayn saxiixyadii uu sameeyay suuqii xagaaga kulnkii Celta Vigo muu ciyaarin hal xiddig oo ka mid ah xiddigihii cusbaa ee uu la soo saxiixday, halka uu Valverde ku guulaystay in uu saxiixyadiisa cusub ka soo saaro qaab ciyaareed cajiib ah Semedo Iyo Paulinho ayaa si fiican ula qabsaday kooxda Camp Nou halka ay Ousmane Dembele Iyo Coutinho qayb muhiim ah ka noqon doonaan kooxda.

9.Khadka Dhexe:

Mid ka mid ah dhibaatada ugu weyn Real Madrid xilli ciyaareedkan ayaa ah khadka dhexe oo ah booska ay kooxuhu ku kala badiyaan,Luka Modric Iyo Toni Kroos ayaan ku dhawayn qaab ciyaareedkoodii fiican ee ay soo bandhigeen xilli ciyaareedkii hore dhanka kale kooxda Barcelona ayaa gabi ahaan ka sheeko duwan iyada oo xiddigaha Sergio Busquets iyo Andres Iniesta ay ku soo laabteen qaabkoodii fiicnaa.

10.Maqnaanshaha Oo Aan La Tabin:

Barcelona ayaa dhawaan dhaawac ku wayday daafaca birta ah ee Umtiti laakiin kooxda ayaan waxba u noqon maqnaanshihiisa sidoo kale waxa ay dhaawac ku wayday xiddigaha Sergi Roberto, Jordi Alba, Luis Suarez Iyo Ousmane Dembele laakiin kooxda ayaan dareemin aan tabin maqnaanshahaas, dhanka kale kooxda Real Madrid ayaa si weyn u tabtay Ronaldo bilowgii xilli ciyaareedka hadana waxa ay wayday Bale,Carvajal iyo Ramos kuwaas oo ay si weyn u tabtay dhibco badana wayday.

11.Bernabeu vs Camp Nou:

Barcelona ayaa dhamaan ku badisay kulamadii ay ku ciyaartay garoonkeeda xilli garoonka caanka ah mar kale noqday mid laga qabdo halka Real Madrid ay ku dhibaatootay garoonkeeda kaliya badisay 5 kulan oo ka mid ah 9 kulan oo ay ku ciyaartay League.

12.Taageerayaasha:

 

Kooxda Barcelona ayaa xilli ciyaareedkan heshay taageerayaal aan inaba caadi ahayn inkasta oo looga shakisan yahay arimaha siyaasadeed ee gobolka catalonia marka lag yimaado midaas Kooxda aya si weyn u dareentay taageerayaasha kulamadii ugu dambeeyay, dhanka kale kooxda Real Madrid iyo waliba garoonkeeda Estadio Santiago Bernabeu ayaa si weyn looga niyad jabay iyada oo aanay soo xaadirin taageerayaashii looga bartay xilli inta joogtana ay ku oriyaan xiddigaha kooxda.

13.El Clasico:

Kulankii El Clasico ee ka horeeyay ciida gaalada kooxda difaacanaysa horyaalka ee Real Madrid ayaa fursad u haysatay in ay soo yarayso dhibcaha ay ka dambayso kooxda laakiin waxa ay guuldaro 3/0 ah kala kulantay hogaamiyayaasha taas oo faa,iido u noqotay kooxda Barcelona.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply