War Cad, Man City Mise Man United: Alexis Sanchez Oo Doortay Koxoda Uu Doonayo In Uu Ku Biiro

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenla ee Alexis Sanchez ayaa lagu soo waramayaa in uu go,aan cad ka gaaray kooxda uu doonayo in uu ku biiro xilli ay kooxaha reer manchester ee Man United iyo Man city si daran isugu baacsanayaan adeegiisa inta lagu guda jiro suuqa January.

Xiddiga reer Chike ayaa la sheegayaa in uu iska diiday qorshihii afduubka ahaa ee uu Jose Mourinho damacsanaa in uu xiddiga uga afduubto kooxda Man City.

Waxa shalay soo baxay warar sheegayay in ay Man United diyaar la tahay lacag dhan 25 milyan oo euro iyo waliba xiddiga khadka dhexe ee Henrikh Mkhitaryan si ay u hesho xiddiga baxsadka ka ah kooxda Arsenla.

United ayaa sidoo kale la sheegayay in ay diyaar la tahay mushahar lacageed oo ka badan midka 275 kun ee Gini ee todobaadlaha ah ee ay City doonayso in ay xididga siiso.

Arsenal ayaa sidoo kale doonysa in ay ku fasaxdo xiddgan lacag dhan 35 milyan oo euro taas oo ay tahay in ay City 15 milyan ku darto dalabkeeda si ay u hesho saxiixa xiddigan bishan

Sanchez oo 29 jir ah ayaa ku dhawaaday in uu 60 milyan oo euro ugu biiro kooxda Man City laakiin heshiiska ayaa ugu dambayntii bur-buray kadib markii ay Arsenal badalkiisa wayday.

City ayaa diyaar u ah in ay sugto ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan markaas oo uu Sanchez noqon doono xiddig xor oo kooxda uu doono ku biiri kara.

Man City ayaa haatan u doonaysa Sanchez kadib markii uu dhaawac xun soo gaaray da,yarka weerarka uga ciyaara kooxda ee Gabriel Jesus.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply