Wakhtiga Laga Yaabo In At Arsenal Dhamaystirto Saxiixa Badalka Alexis Sanchez Oo La Ogaaday

Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw dhamaystirka saxiixa xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Bordeaux ee Malcom xilli uu tababare Arsene Wenger isku diyaarinayo nolol cusub oo ka dambaysa Alexis Sanchez.

Gunners ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab 35 milyan ah ka gudbin doonto xiddiga reer Brazil todobaadkan iyada oo la filayo in ay isla todoabaadkan dhamaystirto heshiiskiisa.

Xiddiga reer chile ayaa laga yaabaa in uu bishan isaga tago Arsenal xilli uu xiiso ka helayo kooxaha Man United,Man city iyo waliba Liverpool.

Si kasta ha ahaatee Wenger ayaa wali ku adkaysanaya in aanu xiddigan kooxda ka tagi doonin ilaa ay Arsenal hubiso in ay dhamaystirtay saxiixa badalkisa.

Sida laga soo xiganayo Daily Mail Arsenal ayaa saacadaha soo socda dalab Rasmi ah ka gudbin doonta adeega xiddig 20 jirka ah ee Malcom si ay heshiiskiisa u dhamaystirto isla todobaadkan.

Si kasta ha ahaatee Kooxda Bordeux ayaa la aaminsan yahay in ay doonayso in ay xiddiga ku iibsio lacag dhan 45 milayn oo euro xiddiga aadka loo qiimeeyo.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply