Wakhtiga Ay Inter Milan Saxiixeeda Ugu Horeeya Ee January Ku Dhawaaqayso Oo La Ogaaday, Daafac Ayay Soo Wadaan

Kooxda Inter Milan ayaa ku dhaw in ay gacanta ku dhigto saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa January sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Italy xilli la ogaaday wakhtiga ay waliba si Rasmi ah ugu dhawaaqi doonto saxiixaad.

Lisandro Lopez ayaa noqon doona ciyaaryahan Inter ah Isniinta, sida ay ku warameyso ilo dhowr ah, iyadoo Benfica la gaartay heshiis amaah ah oo ay dhamaadka xilli ciyaareedkan ku iibsan doonto lacag dhan 11 milyan oo euro.

Faahfaahinta ayaa kala duwan, gaar ahaan marka ay timaaddo kharashka iibka dookha ah ama in ay noqon doonto mid ay ku qasbantahay in ay toos u iibsato marka uu xiddigu dhamaysto laakiin ilo wareedyada ayaa isku raacay in uu heshiisku dhamaad ku dhawyahay.

Sida laga soo xiganayo Wargaysyada FCInterNews.it Iyo Bola heshiiska ayaa haatan ku dhamaaday waxana ay Inter xiddiga ku helaysaa amaah halka ay dookh u haysato in ay 11 milyan ku iibsato xagaaga.

Xiddiga reer Argentine ayaa haysta baasaboor Spanish ah sidaa darteed waxa ay Inter u diwaan gashan kartaa xiddig yurub ah.

Lisandro Lopez ayaa la filayaa inuu tijaabada caafimaadka u maro Milan islamarkaana saxiixo heshiiska maalinta Isniinta.

28 jirkan ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Benfica xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya 8 kulan oo tartamada oo dhan ah u safray waxana uu ku lug lahaa hal gool.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply