Waa Maxay Sababta Ay Maamulka Dortmund Aubameyang Ugu Riixayaa In Uu Ka Tago Kooxda Inkasta Oo Ay Dalab Ka Diideen Arsenal.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay weeraryahanka Pierre-Emerick Aubameyang ku qasbayso in uu koocfs ks tago inta lagu guda jiro suuqa January ee bishan kuna biiro kooxda Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa laga diiday laba dalab oo ay ka gudibsay xiddiga reer Gabon xilli kooxda reer Germany doonayso in ay ugu yaraan hesho lacag dhan 60 milayn oo euro si ay u fasaxdo xiddiga.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku soo laaban doona shaxda Dortmund kulanka maanta ee Freiburg xilli uu mustaqabalkiisu cirka ku shareeran yahay.

Laakiin 28 jirkan iyo qoyskiisa ayaa la kulmay hadalo xun iyo waliba arimo muran badan dhaliyay oo ku saabsan dhaqanka xiddiga ee bilhii ugu dambeeyay.

Sida laga soo xiganayo Sky Sports Germany qaar ka mid ah maamulka sare ee kooxda Dortmund ayaa doonaya in uu xiddigan ka tago kooxda.

Maamulaha guud ee Hans-Joachim Watzke iyo agaasimaha isboortiga Michael Zorc ayaa haatan la sheegay in ay ka fikirayaan in ay xiddiga iska iibiyaan bishan.

Si kastaba ha ahaatee, macalinka kooxda Peter Stöger ayaa wali sheegaya in uu xiddiga reer Gabon boos uga banaan yahay kooxdiisa hadii uu kooxda sii joogayo.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply