Tababare Conte Oo Shaki Giliyay Mustaqbalkiisa Kooxda Chelsea , Maxaa Soo Kordhay ?.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Conte ayaa dhaliyay shaki ku aadan mustaqbalkiisa kooxdaas ka dhisan galbeedka London.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli dhawaanahaan magaca Conte lala xariirnayay in uu ka huleelayo Chelsea gaar ahaan marka uu xilli ciyaareedkaan dhamaado

Sida ay ka soo xigatay Italy Football , waxa uu macalinkaas hore Juventus iyo qaranka Italy sheegay in hishiiskiisa Chelsea uu ka harsan yahay haatan kaliya hal sanno wax walibana ay dhici karaan

Waxa uu hoosta ka xariiqay in in uusan xaqiijin karin in uu Chelsea sii joogi doono waqtiyada soo socda

Waxa uu dhanka kale sheegay in Chelsea oo xilli ciyaaredkii hore oo ahaa kisii ugu horeeyay ee shaqadaas uu la qaaday horyaalka ay haatan u baahan yihin in dhinacyo badan laga saxo .

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply